Ugaas Berde Odayaal Dhaqameed Beesha Habar-GIDIR Ah Oo Lagu Bahdiley Magaalada Cadaado

Xiisad ka dhalatey hawlgal Ciidanka Amaanka Galmudug ku qabqabanayeen Odayaal dhaqameed ka soo jeeda beesha Saleebaan (Habar Gidir), oo ka soo laabtay dhawaan deegaanada ay xukumaan kooxda argagixisada Alshabaab ayaa maanta gilgilishay Magaalada Cadaado ee Maamulka Galmudug.

Sida ay tibaaxeen warar ka imanaya magaalada Cadaado Ciidamo ka amar qaata wasiiru-dowlaha Madaxtooyada Soomaaliya Abshir Max’ed Bukhaari ayaa isku deyey iney difaacan Odayaashaas, haseyeeshee, kuma aysan guleysan kadib markii ay u sheegteen awood Ciidanka amniga Maamulka Galmudug.kuwaas oo u taxaabey xabsiga Odayaashaas.

Xadhiga Odayaal dhaqameedkan ayaa ka dambeeyey kadib markii magacyadoodu ay ka soo muuqdeen heshiis la sheegay in uu dhexmaray kooxda Argagixisada Al-shabaab iyo beesha dagta magaalada Cadaado waxaana la sheegay in ay ka cadhoodeen shacabka magaalada Cadaado sidii ciidanku at ula dhaqmeen markii ay qabqabanayeen Raggaas, iyaga oo xusey in hadda ka hore sidan oo kale lagu sameeyey Odayaashooda wakhtigii Dowladii hore ee Xasan Sheekh ka ahaa Madaxweynaha ay soo qabaneysay Sheekh Xasan Daahir Aweys oo isagu ilaa maanta xabsi guri ku ah Muqdisho. Madaxweynaha JFS, ayaa dhawaan sheegay in cid kasta oo kooxdaas la fadhiisata ay la dagaalami doonto xukuumadiisa iyaga iyo cidii difaacdaba.