Diridhaba(Hayaannews): Ugaaska guud ee beelaha Ciise , Ugaas Mustafe Maxamed Ibraahim ayaa ku eedeeyey Dowladda Federaalka Itoobiya iney ka dambeyso qorshaha lagaga rarayo dadka ka soo jeeda beesha Ciise deegaanadooda Gobolka Site oo ka tirsan Dowlad Deegaanka Somalida Ethiopia, si ay ugu xalaaleeyso qoomiyada Canfarta dhul aysan lahayn oo ka baxsan kililkooda.
Ugaas Mustafe Maxamed Ibraahim oo farta ku fiiqaya cida ka riixeysa dabada hirgelinta qorshahaas ayaa sheegay inuu yahay taliyaha guud ee Ciidanka Milateriga dowladda Federaalka itoobiya, iwaxana uu xusey inuu hayo cadeymo muujinaya farogelinta dowlada Itoobiya ku hayso deegaanada beel weynta Ciise ee Gobolka Siti.
Isaga oo ugu baaqey dhamaan bulshada Gobolada dowlad degaanka Somalida ee Itoobiya iney u midoobaan difaaca dhulka la boobayo ee Gobolka Siti , islamarkaana u soo jeediyey qoomiyada Somalida inay abaabulaan banaanbaxyo shacab si ay u muujiyaan Dareenkooda iney ka soo horjeedaan damaca Canfarta iyo qorshaha dhagareysan ee Dowladda Federaalka itoobiya ku badhi taareyso dhaca iyo boobka lagu hayo dhulka iyo hantida dadka Somalida ee DDS.
Ugaaska guud ee beelaha Ciise oo Saxaafada u mariyey dhaliilo kulul Dowladda Federaalka Itoobiya ayaa hadalkiisa ku bilaabey sidan ;