Urur-Siyaasadeed Cusub Oo La Magac Baxay HORSEED Oo Lagaga Dhawaaqay Somaliland

Hargeysa (Hayaannews)- Urur-Siyaasadeed cusub oo la magac-baxay HORSEED oo ka mid noqon doona Ururada ka qeybgeli doona tartanka loogu soo baxayo xisbinimadda oo la filayo inuu dabayaaqadda sanadkan dalka ka bilaabmo.

Munaasibad  si meeqaam sare ah loo soo agaasimay oo loo soo sameeyay shaacinta urur siyaasadeedkaasi oo magaciisa la yidhaahdo Horseed, waxaa ka soo qayb galay Siyaasiyiin caan ka ah Somaliland, madax dhaqameed, garyaqaano, Qurba-joog, Dhalinyaro, Haween,Xildhibaano ka kala tirsan labadda gole ee Guurtidda iyo Wakiiladda,, iyo marti sharaf kale oo tiro baddan ayaa maalintii Khamiista lagu qabtay Magaalada Hargeysa.

Urur-Siyaasadeedkan cusub ee Horseed oo uu hogaaminayo Mujaahidka Siyaasiga ah ee Md. Cabdilaahi Xuseen Iimaan (DARAWAL), ayaa waxa ka sheekeeyey Sababaha keenay inuu ku dhawaaqo Ururkan iyo waxa ku kalifay.

HALKAN HOOSE KA DAAWO