Ururka SOLJA Oo Si Adag Uga Hadlay Jidhdil Sirdoonka Somaliland U Geystay Laba Suxufi

Hargeysa(Hayaannews)- Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, ayaa canbaareeyay Jidh-dil magaaladda Hareysa loogu geystay laba Weriye, kuwaas oo ay dhaawacyo gaadhsiiyeen Askar Sirdoonka Somaliland ka tirsan, siday labada Weriye sheegeen.

Kadib markii xalay gudaha magaaladda Hargaysa jidh dil loogu gaystay laba suxufi oo ka hawl gala warbaahinta madaxa banaan. Sidoo Ururka SOLJA waxa uu sheegay inuu aad uga xun yahay xadhigga iyo dhibaataynta loo geysto Suxufiyiinta reer Somaliland ee soo noqnoqda.

Sidaasina waxaa lagu sheegay war uu dhacdadaasi shalay ka soo saaray Ururka SOLJA, oo nuqul ka mida ay heshay Shabakad Wararka ee Hayaannews waxaanu u dhignaa sidatan:-

“Ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA waxaa uu aad iyo aad uga xun yahay xadhiga Saxafiyiinta ee soo noq noqonaya iyo kuwa loo geysanayo jidh dilka.

Gudaha Hareysa waxaa todobaadkii lixaad ku xidhan labada Saxafi ee Jamaal Gobanimo iyo Axmed qani kuwaas oo aan weli maxkamad la horkeenin.

Sidoo kale waxaa magaalada Borama isna ku xidhan todobaadkii labaad weriye Wariye Cimran Xuseen Aadan.

Waxaa iyaguna xalay gudaha Hargeysa jidh dil loogu geystay labada saxafi ee kala ah Cali Mahdi Jibriil Xasan iyo Cabdisalaan Axmed Cawed (Jarmani).

Dhacdooyinkaasi soo noq noqonaya ee Saxafiyiinta lagula kacayo ka SOLJA ahaan waanu cambaareynaynaa”.

Geesta kale SOLJA, ayaa ugu baaqay Xukuumadda Somaliland in xorriyaddooda loo soo celiyo labadaas Suxufi ee la xidhay.

“Waxaanannu ku baaqaynaa in xorriyaddooda loo soo celiyo saxafiyiintaasi xidhan.Xukuumadduna baadhis qoto dheer ku sameyso dadka jidhdilka u geystay Saxafiyinta iyo sababta loo jidh-dilay”.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Mustafe-Janaale

Hargeisa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com