Ururka VOSOMWO Oo Markii Ugu Horreysay Sameeyey Wacyigelin Ku Saabsan Caruurta Beelaha La-hayb-Sooco iyo Kuwa Naafada.

Hargeysa(Hayaannews): Ururka Codka haweenka ee dhaqanku naafeeyay Vosomwo ayaa waxay maanta tabbabar wacyi-gelina ka sameeyeen saddex iskuul Hoose dhexe oo ku yaala Caasimada Somalilad ee Hargeysa.

Wacyigelintan oo ay u-jeeddadeedu ahayd dhiiri-gelinta waxbarashada caruurta beelaha la hayb-sooco iyo kuwa naafada ee sii wada-shadooda waxbarashO.

Saddexdan Dugsi oo kala ahaa Dugsiyada Hoose Dhexe ee Naasa-hablood, Daami iyo Sheekh Nuur, ayaa masuuliyiin ka socday Ururka VOSOMWO ay saaka mid mid u booqdeen, waxaanay ardeyda ku wacyigeliyeen in taageero la siiyo sidii caruurta beelaha la-hayb-sooco iyo iyo caruurta naafada ay u dhigan lahaayeen dugsiyada.

“Waxaanu ka wacyigelinay ardeyda iyo macalimiintaba inaan lagu sameynin wax takoora caruurta naafada iyo kuwa beelaha la hayb-sooco, si aanay uga niyad jabin waxbarashada, isla markaana ay sii wataan waxbarashadooda ilaa ay guul ka gaadhaan.”Ayuu yidhi masuul sare oo ka socday Ururka Vosomwo.

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi “Waa Markii ugu horeysay ee aan Saddexdan iskuul ka sameyno wacyigelin noocan oo kale ah, Sidaa daradeed waxaan u mahad-celinaynaa Maamulayaasha Dugsiyada Hoose dhexe ee Naasa-hablood, Daami iyo Sheekh Nuur sida wanaagsan ee ay gacanta noo siiyeen. Waxa kale oo aan u mahad-celinaynaa Wasaarada Waxbarashada Somaliland oo noo ogolaatay inaan wacyigelintaa ka sameyno Dugsiyadaasi.”

Waxaana tabbabarkan iska kaashanayay Ururka VOSOMWO iyo hay’ada IRI

 

 

 

 

Ururka Haweenka ee Dhaqanku Naafeeyey Ee VOSOMWO

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net  oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com