Ururka VOSOMWO Oo  Qabtay Kulan Lagu Falanqaynayay Muhiimadda Xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan

Hargeysa,(Hayaannews)- Madal dood-cilmiyeed iyo aqoon is waydaarsi ah oo lagu lafa-gurayay waxa ay Bulshada Somaliland ka faa’iidday kana faa’iidi doonto xidhiidhka ay Jamhuuriyadda Somaliland la yeelatay waddanka Taiwan ayaa waxa uu shalay ka qabsoomay Huteel Imperial ee Caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

Kulankan oo ah kii ugu horreeyey ee noociisa ah oo aad u qiimo badan ayaa waxa soo qaban qaabiyey Ururka Codka haweenka Dhaqanku naafeeyey ee VOSOMWO oo kaashanaysa Hay’adda Taiwan Foundation for Democracy oo ka dhisan waddanka Taiwan waxaana kulankaasi ka soo qayb galay Masuuliyiin ka kala socday Laamaha dawladda, Xisbiyada qaranka, Ururrada Bulshada iyo marti-sharaf kale oo dhammaantood intii hadashay ay iska daba mareen muhiimadda uu leeyahay xidhiidhka diblomaasiyadeed ee Taiwan iyo Somaliland, iyo waliba sidii xidhiidhkasai Bulshada Somaliland hoos looogu daadajin lahaa in ay wax badan uga ogaadaan si ay uga faa’iidaystaan haddii ay tahay dhinacyada dhaqaalaha, ganacsiga, waxbarashada iyo wax kasta oo muhiim u ah qaranka.

Ugu Horrayn ujeedada kulankaasi iyo waxa laga filayay in uu ka soo baxo waxa si weyn uga hadashay oo faahfaahisay Guddoomiyaha Ururka VOSOMWO Hibaaq Axmed waxaanay tidhi: “Ujeedada kulankan aan isugu nimid waa in aan tooshka ku ifinno oo aynu Bulshada u ban-dhigno waxyaabaha laga faa’iiday xidhiidhkii Somaliland ay la bilowday Taiwan, maxaa yeelay Bulshada inteeda badani ma oga kumana baraarugsana faa’iidooyinka iyo guulaha laga gaadhay xidhiidhkaasi iyo sida uu saamayn ugu leeyahay Bulshada. Waxa aynu doodda fooramkeenan si hoose ugu lafa guri doonaa sidii aynu u ogaan lahayn faa’iidooyinka iyo guulaha laga gaadhay xidhiidhkaasi iyo waxa ay gaar ahaan shacabka Somaliland ka faa’iidayaan. Waxa aan halkan uga mahad naqayaa Hay’adda Taiwan Foundation for Democracy oo aanu iyada la’aanteed kulankan innoo qabsoomeen sidoo kale waxa aan u mahad naqayaa dhammaanba marti sharafta qiimaha badan ee ka soo qayb gashay fooramkan ee ka kala socda laamaha kala duwan ee dawladda, Ururrada Bulshada rayidka ah, madaxda dhaqanka iyo guud ahaan bulshada qaybaheeda kala duwan. Waxa aan kud adaali doonaan in aan sii wadno kulamadan noocan oo kale ah ee Bulshada faa’iidada ballaadhan u leh” ayay tidhi Guddoomiyaha Ururka VOSOMWO Hibaaq Axmed.

Intaa kadib waxa isaguna faahfaahiyey arrimaha ugu badan ee ay Somaliland ka faa’iidi karto xidhiidhka diblomaasiyadeed ee ay kala saxeexdeen Somaliland iyo Taiwan Agaasimaha Fulinta Dalladda NAFIS Aqoonyahan Cabdiraxmaan Cismaan Gaas, waxaanu yidhi: “Xidhiidhka siyaasadeed ee ay wada samaysteen Jamhuuriyadda Somaliland iyo Taiwan waxa uu fure u noqon doonaa in ay shacabka Somaliland saddex shay ka faa’iidaan. Waa ta koowaade waa in ay Somaliland ka helayso waxa afka qalaad loogu yeedho (Political Engagement) oo ah in kiiskooda la maqlo oo ay dunidu maqasho. Cod dheer lagu maqlo oo uu noqdo arrin la mid ah kan Taiwan. Arrinka labaadna waa in ay dadkeenu ka baran doonaan sida loo shaqaysto sida wax loo soo saaro, sida la isugu filnaado, sida looga maarmo gacmo hoorsiga iyo baryada badan. Qodobka saddexaadna waxaan is leeyahay waa is dhex gal dhaqaale maadaama dalka Taiwan ku yaallo qaaradda eeshiya adduunyada mustaqbalkeeda ganacsi iyo dhaqaalena u muuqdo in uu u socda xaggaasi iyo bariga. Waxa aan is leeyahay waddankaasi waxa uu innoo noqon karaa meel aan adduunka ka galno oo wanaagsan. Waxa u noqon doonaa xidhiidh aan dhaqaale ku samayno, dhaqaale ku helno ganacsi badanna aynu la yeelano.

Guddoomiyaha Hay’adda u diyaargarowga aafooyinka iyo Kaydka Raashinka Faysal Cali Sheekh Maxamed oo isaguna dood cilmiyeedkan ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in muddo dheer oo uu la soo shaqeeyey kana war hayay waxqabadka Hay’adda waddaniga ah ee VOSOMWO uu yahay urur bulshada reer Somaliland qiimo ballaadhan ugu fadhiya kaasi oo si gaar ah uga shaqeeya haweenka, caruurta iyo guud ahaan dadka nugul ee gaar ahaan ka soo jeeda bulshadeena la hayb sooco. Guddoomiyuhu waxa uu bogaadiyey kulankan oo wakhtigiisii ku habboonaa ku soo beegmay maadaama loo baahan yahay in wax badan shacabka laga baro waxa ay ka faa’iidi karaan xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan.

Suldaan Naasir Suldaan Cabdi oo ka mid ah salaadiinta Somaliland ayaa isna VOSOMWO uga mahad celiyay kulankan ay soo qaban qaabisay isaga oo bulshada Somaliland ugu baaqay in ay ka faa’iidaystaan xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan oo noqonaya mid dalka faa’iido badan u leh isaga oo dhinaca kalena sheegay in dadaalkii ay muddoda dheer u soo galeen in la maqlo kelmadda iyo naahiyaha  bulshada uu Suldaanka u yahay ay midho dhashay loona baahan yahay in la sii wado dadaalkaasi.

La taliyaha Arrimaha dibadda ee Golaha Guurtida Somaliland Marwo Faadumo Siciid, Guddoomiyaha Dalladda Ururrada Bulshada rayidka ah ee SONSAF Mudane Anwar Cabdiraxmaan Warsame, Guddoomiyaha garabka haweenka ee xisbiga UCID Saado Jaamac Aadan (Saado Dheer) iyo Nuuraddiin Maxamed oo ka tirsan saraakiisha SIHA Newtwork oo hadalka oo hadalka isaga kala dambeeyey ayaa dhammaantood ku dheeraaday muhiimadda xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan iyo sida looga faa’idiaysan karo.

Guntii iyo gabo-gabadii kulankan waxa ay ka qayb galayaashu madasha shirka fooramka ah isku waydaarsadeen su’aalo iyo faallooyin la xidhiidha mawduucan laga hadlayay.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com