Ururka Warbaahinta Online-ka Somailand Ee SOMA Oo Cambaareeyey Dilka Suxufiyad Shireen Abu Akleh

“Dilka, xadhiga, cabudhinta iyo ceebayntu waa dhibaato ay warfidiyeenku maalin kasta  ku mutaystaan oo daaha kaga faydayaan xumaha ay huursadaan”

“Dilka Fooshan xun ee lagu dilay Shireen Abu Akleh waanu xasuusnaan doonaa oo qalbigayaga ka go’i-maayo”

Hargeysa (Hayaannews)- Ururka Warbaahinta Online-ka Somaliland ee Somaliland Online Media Association (SOMA), ayaa cod-dheer ku cambaareeyey dilka foosha xun ee maanta lagu dilay Weriyihii caanka ahayd ee Shireen Abu Akleh oo Telefiishanka Al-jazeera uga soo warami jirtay dhulka ay haysto Yuhuudu ee Daanta Galbeed.

War-saxaafadeed ku saxeexan yahay Guddoomiyaha Ururka SOMA Mustafe Cabdi Maxamed (Mustafe-Janaale), ayaa bahda saxaafadda caalamka iyo dunida Muslimka ah la wadaagay si ay urur ahaan uga tiiraanyeysan yihiin dilka loo geystay haweenayda suxufiyadda ah oo muddo labaatan sanno ka badan ka shaqaynaysay warbaahinta Carabta.

 War-saxaafadeedka ayaa u qornaa sidan:-“Aniga oo ah Guddoomiyaha Ururka Midowga Warbaahinta Online-ka Somaliland ee Somaliland Online Media Association (#SOMA) Mustafe Cabdi Maxamed (Mustafe-Janaale) ayaa waxaan cambaareynayaa dilkii foosha xuma ee maanta oo Arbaca taariikhduna ahayd 11 May 2022 uu si badheedha Askari yuhuudi ahi uu toogasho ku dilay Weriyihii caanka ahayd Shireen Abu Akleh oo Telefiishanka Al-jazeera uga soo warami jirtay dhulka ay haysto Yuhuudu ee Daanta Galbeed. Maanta oo Arbaca taariikhduna ahayd 11 May 2022 waa maalin murugo iyo naxdin u leh dhammaan Suxuufiyiinta meelkasta oo ay joogaan, waayo waxa la dilay halgamaa Shireen Abu Akleh oo nafteeda u hurtay dadkeeda si ay u soo gudbiso dhibaatada lagu hayo. Waxay ahayd dhacdo fool-xun ka nixisay dhammaan umadda ku xidhnayd wararkeeda iyo guud ahaan bahda Warbaahinta meelkasta oo ay joogaan, dilkan toogashada ahi  waxa uu ka hor imanayaa xoriyatul-qowlka. Markii aan dilkeeda maqlay aad iyo aad ayaan u naxay oo waan kala qaboobay oo way I taabata  shireen Abu Akleh  oo maan filayn, waxay ahayd Mujaahidad, halgamaaya oo dhul colaada  oo khatara ka soo waranta, waxay soo gudbin jirtay dhibaatada dadka reer Falastiin ay ku hayso hadh iyo habeen yuhuudu. Geerida halgamaa Shireen Abu Akleh qalbigayaga ka go’i-mayso oo waan xasuus-naan doonaa.

Alle ha u naxariiste, Shireen Abu Akleh waxa loo dilay si badheedh marka aad aragto kamaradaha warbaahintuna si muuqata isha ugu hayso, iyada oo xidhan jaakadda iyo koofiyadda astaanta saxafinimo, ayay nafteeda ku weyday Shiiriin Abu Caaqili. xilli ay doonaysay in ay dunida tusto gumaadka iyo dulmiga ay Yuhuuddu ka waddo xerada Qaxoontiga Falastiiniyiinta ee Jiniin.

In uu askari shiishyahan ahi toos u beegsaday waxaa marag u ah in rasaasta lagala shiishay dhegta hoosteeda oo aanay gaadhayn koofiyadda rasaasta celisa ee ay xidhayd.

Intaas Yuhuuddu kagama ay hadhin ee waxa ay rasaas toos ah la beegsatay cid kasta oo isku dayday in ay badbaadiso Shiiriin iyo weriye la socday oo isagana ay xabaddu dhabarka ka dhaawacday.

25 Sanno ayaa ay Shiiriin nafteeda khatar kasta ugu biimaynaysay raadinta runta, illaa ay astaan u noqon gaadhay halganka xanuunka baddan ee dadkeeda.

Dilka, xadhiga, cabudhinta iyo ceebayntu waa dhibaato ay warfidiyeenku maalin kasta  ku mutaystaan sababta dadaalka ay daaha kaga faydayaan xumaha ay huursadaan, kelitaliyeyaasha, dulmi falayaasha iyo cid kasta oo runta necebi.”