“Waa in la Aqbalaa Rabintaanka Shacabka Somaliland” USA/CFR

New York (Hayaannews)- Golaha xidhiidhka arrimaha dibadda ee CFR oo ka shaqaysa siyaasadda arrimaha dibadda Mareykanka iyo xidhiidhada caalamiga, ayaa warbixin ay ka diyaariyay hannaanka dimquraadiyadda Somaliland iyo doorashadii dhawaan ka qabsoontay dalka, waxa ay ciwaan uga dhigtay “Aqbalaada Dimuquraadiyada Guulaysatay ee Somaliland”.

Golahan oo dawladda Maraykanka kala shaqeeya xidhiidhada caalamiga ah iyo siyaasadda arrimaha dibada ayaa shirar u qabta mas’uuliyiinta dowladda Maraykanka, hoggaamiyeyaasha ganacsiyada adduunka iyo xubnaha caanka ah ee sirdoonka dalkaasi, kaas oo lagu gorfeeyo istaraatiijida siyaasadda arrimaha dibadda ee dalka Maraykanka, waxaana xubno ka ah in ka badan shankun, oo qof oo isugu jira siyaasiyiin waaweyn iyo agaasimayaasha CIA.

Warbixintan ayaa lagu sheegay in Jamhuuriyadda Somaliland oo u muuqata in ay tahay horyaalka dimuqraadiyada mandaqada Geeska Afrika, ay dhisatay taariikh cajiib ah oo ku salaysan hirgelinta doorashooyinka la isku halleyn karo iyo isku wareejinta xukunka awoodda dalka si nabad ah, balse ay haddana jiraan caqabado badan oo ka hor imanaya guusha Somaliland.

Warbxintaasi oo dhamaystiranna waxa lagu bilaabay sidan “31-kii May, dadka reer Somaliland waxay u dareereen goobaha codbixinta si ay uga qayb galaan doorashooyinka baarlamaanka iyo dawladaha hoose. Gobolkan oo ah mid muddo badan iskii u taagan ayaa lahaa taariikh gumeysi oo ka duwan inta badan dalalka kale ee mandaqada, isla markaana ku dhawaaqay madaxbanaanidiisa 1991.

Somaliland ayaa dhistay taariikh cajiib ah oo ku saabsan doorashooyin la isku halleyn karo iyo isku wareejinta xukunka awoodda dalka si nabad ah. Waa in la aqbalaa rabintaanka shacabka reer Somaliland oo si nabad ah rabitaankooda ugu muujiyay codbixinta doorashadas, taasoo siinaysay xisbiyada mucaaradka hoggaaminta baarlamaanka Somaliland. Halka ay muwaaddiniinta reer Soomaaliya inteeda kale ay la-tacaalayaan ammaan darro iyo dawlad aan waxbka qaban nabadgelyada iyo adeegyada bulshada, taas oo ku tiirsan ciidamada nabad-ilaalinta ee Midowga Afrika iyo kuwa caalamiga ah iyo gargaarka shisheeyaha, iyada oo xitaa aan u muuqan inay isku raacsan yihiin xuduudaha aasaasiga u ah nidaamkeeda siyaasadeed.

Jamhuuriyadda Somaliland oo ah horyaalka dimuqraadiyada mandaqada Geeska Afrika, haddana waxaa jira caqabado badan oo ka hor imanaya guusha Somaliland, balse iyadu waxay sameysay xoogaa guul ah oo horumarineed.

Somaliland waxay leedahay awood yar oo ay kula macaamili karto dowladaha kale ama hay’adaha maaliyadeed ee caalamiga ah, marka loo eego kuwa deriska ah, sababta oo ah dunidu ma aqoonsan madax-bannaanideeda, haddana waxay sii wadaa qorshayaal lagu horumarinayo kaabayaasha dhaqaalaha, shaqooyin la siinayo dhallinyaradeeda, ilsa markaana hoggaamiyeyaasheeda lagula xisaabtamo sanduuqa codeynta.

Somaliland waxay xanbaarsan tahay waxyeello naxdin leh oo ka soo gaadhay arxan-darradii taliskii Siyaad Barre, haddana cabashada taariikhiga ahi salka kuma hayso himiladeeda qaran. Firfircooni ahaan bulshada reer Somalialnd uma eeka sida kuwa Soomaaliya (Koonfurta).

Guulaha ay gaadhay Somaliland iyo sida ay uga go’an tahay mabaadi’deeda dimuquraadiga ah ayaa mudan in fiiro gaar ah loo yeesho, xili lagu guda jiro xiisad ka taagan gobolka iyo dib u gurashada dimuqraadiyadda adduunka. Guusha Somaliland waxay canaan ku tahay kuwa ku dooda in kali-talisnimadu ay tahay qiimaha looga baahan yahay xasiloonida gobolka, ama aaminsan mabaadi’da dimoqraadiyadeed in ay tahay mid qariib ah.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewssoma@gmail.com