“Waa Inaynu ka Shaqeyna Inaanay Ina Soo Gaadhin Duruufaha Ka Holcaya Geeska Afrika” Wasiir Saleebaan Cali Koore

“waxa loo baahanyahay inaynu noqono umad ixtiraamta sharciga iyo kala danbeynta” Saleebaan Cali Koore

Hargeysa(Hayaannews): Wasiir Warfaafinta, Dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland  Md. Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa ku baaqay in laga feejignaado duruufaha ka holcaya Geeska Afrika, isaga oo ku tilmaamay inaynaan isku duruuf ahayn waddamadaasi.

Wasiir Koore waxa uu sheegay inay Warbaahinta gaarka loo leeyahay iyo ururada warbaahintuba fahmaan marka qaranka loo eegayo waxa la tebinayo.

“Warbaahinta gaarka ah iyo urrurada kaleba waa inaan isla fahano maxaa la tebin karaa marka laga hadlayo qaranka”.Ayuu yidhi Wasiir Saleebaan CaliKoore.

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi“Waxaynu nahay umad qabiilka u nuqul, Dimuqraadiyadii aynu qaadanay qabiilka miyay inaga saaraysay mise way ina gelinaysay?”

“Hadaynu noqo umad tuulo tuulo u fadhida, oo qoys qoys u fadhida, waxaad mooda inaynu luminayo waddadii aynu ku soconay”.Ayuu yidhi Wasiir Koore.

Mar uu ka hadlayay Wasiir Saleebaan Cali Koore Dastuurka iyo marxaladihii uu soo maray ayaa waxa uu yidhi“Dastuurka maanta lagu kala fakanyo dad baddan ayaa diidanaa maalintii loo codeynayay, maanta nin waliba waxa uu leeyahay Dastuurka dastuurka…..waxa loo baahan yahay inaynu noqono umad ixtiraamta sharciga iyo kala danbeynta”

“Waa inaynu fahnaa dhibaatooyinka inagu xeeran, waa inaynu fahnaa inuu geeska Afrika wada holcayo, inaga waxa la inooga baahan yahay inaynu teena ku fara adeygno, oo aynu fahano inaynaan isku duruufo ahayn deegaanadan Soomaaliya, Ethiopia, Eretria, Suudaan, waxa ka muuqda inaanay jirin meel degen, waa inaynu ka shaqeena inaanay ina soo gaadhin duruufaha heehaabaya ee Geeska Afrika ka jira”.Ayuu yidhi Wasiirka Warfaafinta Somaliland Saleebaan Cali Koore oo maanta ka hadlayay kulanka dhameystirka wada-xidhiidhka oo maanta lagu qabtay Huteelka White hourse ee Magaalada Hargeysa.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Mustafe_Janaale(#MJ)

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com