“Waa muhiim in doorashada Soomaaliya Wakhtigeeda lagu Qabto…”James Swan

Muqdisho (Hayaannews) – Ergayga gaarka ah ee qaramada midoobay u qaabilsan arimaha Sooomaaliya, ayaa sheegay in wakhtigeeda lagu soo geba-gebeeyo hanaanka doorashada Soomaaliya ay muhiim tahay, xilli ay muuqato inay dib uga dhacayso wakhtigeeda.

James Swan, oo waramay wakaalada wararka Turkiga ee Anadolu, ayaa sheegay in dhameystirka doorashada Soomaaliya wakhtigii loogu talagalay, in ay mudnaan u leedahay wax ka qabashada baahiyaha ka jira Soomaaliya, sida xaaladda bani’aadamnimada.

“In hanaanka doorashada wakhtigeeda lagu soo dhameystiro, iyo si ku dhisan heshiis haysta dhammaan taageerada shacabka Soomaaliya, waa u muhiim xaqiiqdii wax ka qabashada ahmiyadaha dalku u baahan yahay ee dadka looga faa’iidaynayo,” ayuu James Swan u sheegay wakaaladda wararka Anadolu, isaga oo ku sugan magaalada Antalya oo uu kaga qeyb-galay madasha diblomaasiyadda ee Antalya Diplomacy Forum.

“Tani waa daqiiqad muhiim u ah Soomaaliya,” ayuu yidhi madaxa howlgalka Qaramad Midoobay ee Soomaaliya.

James Swan, ayaa ammaanay dadaallada la xidhiidha doorashada Soomaaliya ee uu wado ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, oo bishii April si rasmi ah ula wareegay maamulka doorashada iyo amnigeeda.

“Aad ayaan ugu qanacsannahy in lixdii toddobaad ee tegay, uu ra’iisal wasaare Rooble hoggaamiyay wada-hadallo dhab ah oo uu la yeeshay madax goboleedyada, oo ay heshiis doroasho isku raaceen 27-kii May, kaasi oo deg deg ah loo hirgelinayo, waxaana si firfircoon u taageereynaa fulintiisa,” ayuu yidhi James Swan.

Waxaa uu James Swan sheegay in saaxiibo badan oo caalami ah ay si aad ahu danaynayaan arrimaha Soomaaliya, islamarkaana Turkigu uu ka mid yahay.

“Turkigu wuxuu ku lug leeyahay taageerada qaybta amniga, waxay ku lug leeyihiin dhaq-dhaqaaqyada arrimaha bani’aadannimo. Turkigu sidoo kale wuxuu kaalin ka qaadanayaa xidhiidhka dhinacyada aan dowliga ahayn,” ayuu yidhi.

Wuxuu sheegay in ka badan 20% dadka Soomaaliya in ay wajahayaan baahiyo cunto. Wuxuu sheegay ku dhowaad 6 milyan in ay u baahan yihiin gargaarka bani’aadamnimo.