“Waa Wax Laga Xumaado In Iyadoo La Sugayo Doorasho Ka Dhacda Dalka Ay Timaado Falal Abuuri Kara Qalalaaso Iyo xasi-looni Daro” Puntland

 Puntland(Hayaannews): Dawlada Puntland ayaa qoraalkan ka soo saartay maanta xaaladda maanta iyo xalay ka dhacday Magaalada Muqdisho.

Dowlada Puntland waxa ay isha ku haysay waxa ka dhacayay xalay saqdii dhexe iyo Saaka aroortii Magaaladda Muqdisho, waxaa wax laga xumaado ah in iyadoo la sugaayo doorasho ka dhacda Dalka ay timaado  falal abuuri kara qalalaaso iyo xasi-looni daro ka aloosanta dalka oo weliba ay qayb ka noqdaan ciidamada qalabka sida ee loo diyaariyey in ay dhowraan karaamada iyo sharafta muwaadinka Soomaaliyeed.

Waxaan ugu baaqaynaa dhammaan masuuliyiinta dalka in uu caqligu taliyo oo aan dhiig loo daadin kala aragti duwanaan siyaasadeed iyadoo lagu xaliyi karo sifooyin kale oo ka haboon. Lana iIlaaliyo dimuqraadiyadda curdunka ah ee aynu haysano, fursadna aan loo siin ururada argagixisada in ay helaan siyaabo ay ugu soo noqdaan magaaladda Muqdisho oo ay dhibaatooyin uga geystaan.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

Email: Hayaannewssoma@gmail.com