“Waajibka Shaqaalaha Maaliyaddu Waa In Dalku Ka Xoroobo Deyn iyo Baryo” Agaasime  GURXAN

Hargeysa(Hayaannews): -Agaasimaha Guud ee Maaliyadda Mr Maxamed Cabdi Gurxan ayaa sheegay in waajibka shaqaalaha maaliyadu yahay in dalku ka xoroobo baryo iyo deyn dibadeed, isla markaana kula dardaarmay shaqaalaha ku dhaqanka akhlaaqda iyo qiyamka diinta islaamku inoo tilmaamayso.

Md Gurxan oo ka hadlayey kulan diini ah oo loo qabtay shaqaalaha kastamka Kalabaydh ayaa sheegay in qof kastoo masuuliyad haya maalin lala xisaabtami doono, isla markaa sheegay in looga baahan yahay shaqaalaha xilkooda u gutaan sifo raaligelinaysa bulshada ay u shaqeeyaan iyagoo u raacaya tilmaamaha diintu inoo sheegtay, sidoo kale ajar ku doonaya in aakhiro ku helaan.

“24 saacadood ayaad qarankaagii, dalkaagii iyo dadkaagii u shaqeynaysaa, haddaba waa inaad u gudataan waajibkiina idinkoo ilaahay xasanaad kaga doonaya, taasoo keeni doonta in natiijo fiican iyo tayo fiican shaqadiinu yeelato.

Md Gurxan ayaa sheegay in fariinta kale ee shaqaalaha u gudbinayaan tahay sidii ay uga mahadcelin lahaayeen, isla markaana idinku dhiirigelino dedaaladii wacnaa ee sannadahii u dambeeyey aad muujiseen, gaar ahaan saddexdii bilood ee u dambeeyey una soo saarteen dakhli badan oo khasnada dawladda ku soo xerooday, inaad sii kordhisaan oo bartilmaameedkii la idiin dhigay aad sii dhaaftaan

“Waxaan mahadcelin u jeedinayaa dhamaan shaqaalaha xafiisyada dakhliga sida cashuuraha berriga , kastamadda, madaxdooda, saraakiishooda, dedaalada ay ka muujiyeen qaadhitaanka qorsheyaashii miisaaniyadda ee wasaaradda maaliyadu dejisay, isla markaana soo saaraan dakhli dheeraad ah 4%, waa mid aynu Ilaahay SW ugu mahadcelinayno, innagoo aan deyn dibadeed, ama taageero inaynu ku guulaysanay.

“Waajibka Shaqaalaha maaliyaddu waa in dalku ka xoroobo deyn iyo baryo dibadeed.”

Agaasimaha Guud Mr Gurxan ayaa ugu bushaareeyey dhamaan shaqaalaha inay u fududeyn doonaan sidii ay aqoontooda u kordhin lahaayeen, maadama mustaqbalka dhow xidhiidho iskaashi la yeelan doonaan waddamo badan oo caalamka, sidii kuwii hore, isla markaana kula dardaarmay dhamaan shaqaalaha wasaaradda maaliyadda inay ku dedaalaan kobcinta iyo sare u qaadida aqoontooda si ay ula jaanqaadaan hanaanka maaliyadeed ee caalamka.

“Waxaan doonayna in fahamkiina sida kastamada caalamku u shaqeeyaan aad barataan, maadama shaqaalaha kastamadu yihiin hawlwadeenada ugu awooda badan dalalka caalamka, marka badeecadahu soo gelayaan xuduudaha ama fulinta iskaashiyada labada wadan u dhexeeya, markaa waxaad tihiin safiiro xuduudaha fadhiya.

Wasaaradda maaliyaddu waxay ku jirta dedaalo lagu sii horumarinayo hanaanka shaqada iyo aqoonta hawlwadeenadda qaabilsan, si aqoontiina diiniga iyo maadiga kor loogu qaado, tababaro koobkooban idinko shaqada ku jira laydin siiyo.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

Email: Hayaannewssoma@gmail.com