“Waanu Idiin La Qabna Tiiraanyada Dadkii Aad Ku Weydeen Daadadkii iyo Fatahaadihii Burburiyay Kwazulu Natal” Wasiirka Arrimaha Dibada JSL Ciise Kayd

Dawlada Somaliland oo tacsiyadeysay dawlada Koonfur Afrika.

Hargeysa(Hayaannews): Wasiirka arrimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga Somaliland Dr. Ciise Kayd Maxamuud Raagsaalle, ayaa ka tacsiyadeeyey dawlada Koonfur Afrika dadkii ku naf-waayay daadadkii ka dhashay roobabkii ka da’ay magaalada Kwazulu Natal, ee   dalka Koonfur Afrika.

Sidaa waxa uu ku sheegay Wasiir Kayd qoraal koobaan oo uu soo saaray oo nuqul ka mida ay heshay Shabakada Wararka ee Hayaannews,waxaanay u dhignayd sidan:

“Anigoo ku hadlaya magaca Jamhuuriyadda Somaliland, waxaanu tacsi tiiraanyo leh u diraynaa qoysaskii ay ka baxeen dadkii ku naf waayay, daadadkii ka dhashay roobabkii ka da’ay magaalada Kwazulu Natal, ee   dalka Koonfur Afrika.

Waanu idiin la qabna tiiraanyada dadkii aad ku weydeen daadadkii iyo fatahaadihii burburiyay, magaalada isla markaana ay dadka badani ku dhinteen.”

Hdalkan ayaa ka danbeeyey, kadib markii madaxweyne Cyril Ramaphosa uu sheegay in dhimashada ku dhawaad 400 oo qof, burburka kumanaan guri, kaabayaasha dhaqaalaha iyo sidoo kale saameynta dhaqaale ay ka tageen.

Waxa uu bilowgii toddbaadkan booqday goobaha daadadka ay saameeyeen ee gobolka KwaZulu-Natal balse wixii markaas ka dambeeyay, tirada dhimashadu ayaa si xawli ah sare ugu kacaysay.

Waxaa wali la la’a yahay dad aad u fara baddan oo ay daadadku saameeyeen.

Saraakiisha ayaa sheegay in saddex boqol iyo sagaashan iyo siddeed qof ay dhinteen.27-na kalana ay wali maqan yihiin.

Roobab dheeraad ah oo Sabtidii ka da’ay ayaa kordhiyey khatarta fatahaado kale. Dowladdu waxay u qoondaysay lixdan iyo siddeed milyan oo doolar si loogu gurmado dadka dhibaataysan.

Kooxaha samatabbixinta ee Canine ayaa la geeyay qaybo kala duwan oo ka tirsan gobolka, laakiin fursadaha lagu heli karo kuwa badbaaday ayaa aad u yar.

Dadaalada lagu raadinayo kuwa badbaaday ayaa waxaa sidoo kale caqabad ku noqday in qaar ka mid ah hawl-wadeennada baldoosyada wax qodayay ay u tageen fasaxa Ciidda masxiiga ee Easter-ka awgii.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeisa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com