“Waanu Idinla Dhimanaynaa, Inta Ay Soomaaliya Sidan Tahay Ma Seexanayno”  Wasiirka Gaashaandhiga Jabuuti Xasan Cumar Maxamed 

Wasiirada Gaashaandhiga Jabuuti Xasan Cumar Iyo Dhigiisa Soomaaliya Cabdiqaadir Maxamed Nuur

Muqdisho(Hayaannews): Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Jabuuti Xasan Cumar Maxamed, ayaa sheegay inay dawlada Jabuuti hiil iyo hooba la garab taagan tahay dawlada Soomaaliya, isla markaana aanay ka seexanayn.

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Jabuuti Xasan Cumar Maxamed waxa uu sidaas ku sheegay, kadib markii uu socdaal ku yimi maanta magaalada Muqdisho, waxaanu ka mid ah wufuud ka imaneysa dalalka ay ciidamadu ka joogaan Soomnaaliya, ayaa sharaxaad ka bixi

Wasiir Xasan Cumar Mar uu ka  Hadlayay u-jeeddada Socdaalkiisa uu ku yimi Magaalada Muqdisho, waxa uu yidhi“Waxaanu joognaa maanta Magaalada Muqdisho AL-XAMDULILAAH, Muqdisho sidii hore maaha, Amaanku meel wanaagsan ayuu marayaa,”

“Waad na casuunteen, U-jeeddada aanu u nimi waxa weeyaan inaga oo mid qudha ah oo gacmaha is-haysana, sideen uga guuleysanaa Al-SHABAAB,dhulkani waa dhul Soomaaliyeed oo waa la baabiiyay”Ayuu yidhi Wasiir Xasan Cumar Maxamed.

inta ay Soomaaliya sidan tahay ma seexanayno “Haddii aanu nahay reer Jabuuti waxaanu garab taaganay dawlada Soomaaliya. Soomaaliya way na gacan-qabteen wakhtigii guumeysiga, maanta waa doorkayagii, waxaan dawlada Soomaaliya u sheegayaa dawlada Jabuuti way sare-joogtaa oo la dhimanaysa meesha aad tagtaana waanu idin la tagaynaa. Annaga wax ayaa naga maqan, inta ay Soomaaliya sidan tahay ma seexanayno,”

Md. Xasan Cumar  waa hoosta ka xariiqay in dowladda Jabuuti ay ka go’an tahay fulinta balan-qaadyadii Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle uu u sameeyay shacabka iyo dowladda Soomaaliya dhammaadkii bishii December sannadkii la soo dhaafay ee 2022-kii.

Dowladda Jabuuti waxay ka mid tahay dalalka ay Soomaaliya ay ka joogaan ciidamada ku howlgalada magaca howlgalka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee ATMIS, kuwaas oo ka howlgala magaalooyin ka tirsan gobolka Hiiraan.

Wasiirada Gaashaandhiga Jabuuti Xasan Cumar Iyo Dhigiisa Soomaaliya Cabdiqaadir Maxamed Nuur

 

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com