Wacdarihii Ciidanka Qaranku Ku Soo Bandhigay Munaasibaddii Xuska Qaranimada Somaliland Ee 18-ka MAY

Hargeysa(Hayaannews): Gaardiska Ciidamada kala duwan ee Somaliland ku soo bandhigeen xuska sanad-guurada 31aad ee ka soo wareegtay markii soo xornimada la soo noqotay 18 May ayaa maanta guud ahaan si weyn looga dabaal-degay guud ahaan Somaliland.

Kumanaan dhalinyaro, dumar iyo waayeel reer Somaliland ah, ayaa subixii hore ee arbacada iskugu soo baxay fagaarahayaasha loo asteeyay in loogu dabaal dago munaasibadan.

Ciidamada kala duwan, shirkadaha, dugsiyada waxbadarashada, ururrada bulshada iyo dadyow kale oo is abaabulay ayaa socod ku maray wadada wadanaha ee magaalada Hargeysa.

HALKAN HOOSE KA DAAWO