Wacdarihii Xisbiga WADDANI Ku Muujiyey Cudduda Taageeradiisa Ee Fagaaraha Beerta Xorriyada DAAWO SAWIRADAN:

“Anigu Kaftanka reeraha waxaan u daynaya Muuse iyo Faysal,” Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro

Hargeysa (Hayaannews)- Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI ayaa maalintiisa koowaad ee Ololaha doorashada ku bilaabay isu-soo-baxyo aad u ballaadhan oo ay taageerayaasha murashaxiinta Goleyaasha deegaanka iyo Wakiilladu ka sameeyeen guud ahaan gobollada iyo degmooyinka Dalka.

Taageerayaasha Xisbiga Waddani ayaa isu-soo-baxyo ay taageero ugu muujinayaan murashaxiintooda ka sameeyey gobollada Maroodijeex, Togdheer, Awdal, Saaxil, Sanaag iyo Sool oo ay wacdaro ka muujiyeen.

Waxa taageerayaasha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI kula hadlay fagaareyaal ku kala yaala gobolada iyo degmooyinka dalka masuuliytiin iyo musharaxiinta u taagan doorashooyinka goleyaasha wakiillada iyo deegaanka, iyagoo ka dalbaday inay codkooda siiyaan maalinta 31-ka may.

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI ahna Musharrax Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa ka qayb-galay isu-soo-bax ballaadhan oo taageerayaasha Xisbigu isugu yimaaddeen faagaaraha beerta Xorriyadda ee Magaalada Hargeysa.

“Anigu Kaftanka reeraha waxaan u daynaya Muuse iyo Faysal,” Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro

“Kulmiye markii aad doorateen wuxuu yidhi ‘fartiina ayaa eedi doontaan, mar dambe miyaad doonaysan in aad fartiina eeddaan, waxaan idin leeyahay WADDANI Doorta,” Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro

Magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer, waxa isu-soo-baxa taageerayaasha kala qayb-galay masuuliyiinta ugu sar-sareysa Xisbiga Waddani oo uu hormuud u yahay Siyaasi Xirsi Cali Xaaji Xasan.

Xisbiga WADDANI ayaa ololaha doorashadda golayaasha deegaanka iyo Wakiilladda ku qabtay Magaalooyinka Saylac, Balli Gubadle, Sallaxley, Oodweyne, Caynaba, Ceel Afweyne Gabiley iyo badiba magaalooyinka dalka waxaana Taageerayaasha Xisbiga WADDANI la hadlay Murashixiinta golayaasha deegaanka iyo wakiillada oo ka waramay qorshayaasha ay ku horumarinayaan magaalooyinka ay ku tartamayaan iyo sida ay wax uga bedelayaan gollaha wakiilladda.

Murashixiinta ayaa ka dalbaday dadweynaha Somaliland iyo Taageerayaashoodu inay Codkooda siiyaan 31 May oo ah Maalinta ay dhacayso doorashadda isku sidkan ee golayaasha deegaanka iyo wakiillada iyagoo balanqaaday inay si daacadnimo iyo waddaninimo leh ugu adeegi doonaan dalkooda iyo dadkooda

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net Oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

 

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewssoma@gmail.com