“WADDANIYOOW Ma Waxa Aan Ku Moodnay Mise …” Dr Ciise Kayd.

Hargeysa(Hayaannews)- Dr Ciise Kayd oo.ka sharraxana Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI ayaa sheegay in Xisbiga sabab u ahaa guul-darradiisa.

“Wax aan leeyahay Waddani waxa aan ku moodayay xisbi Umadda u dhaxeeya oo Nin jeclaysi aanu ku jirin oo si siman u ilaalinaya Musharaxiintiisa,waxaase cadaatay in Xisbiga Waddani agtiisa ka dheer tahay taasi,waxa aan caqligu yeelan in Dadweynaha ku nool HAWD iyo Hargeysa oo tiro ahaan ah dad soo saari kara Musharaxiintooda,Waxaase nasiib daro ah dadka miisaanka leh in labadii Xisbi Mucaarad iyagu ku soo saareen dad ay iyagu jeebada ku siteen in codadkayagii kusoo saareen,”.Ayuu yidhi Dr. Ciise Kayd oo shalay shirjaraa’id ku qabtay.

Dr Ciise Kayd ayaa waxa kale oo sheegay in dacwada ka dhan ah natiijadii Doorashooyinka u gudbiyeen Maxkamadda sarre go,aanka ay ka soo saartan ay ixtiraamayaan.Waxaana uu yidhi.

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi“Dacwada waxa ay gacanta ugu jirtaa Maxkamadda sarre waxaana haboon in goaanka Maxkamadda sarre kama dambausta ah aynu ixtiraamno,”.

HALKAN HOOSE KA DAAWO.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewssoma@gmail.com