Wararkii Ugu Danbeeyey Dagaalka Cusub Ee Ay Xukuumadda Somaliland Ku Soo Qaadday Ganacsade Axmed Cisman Geelle.

Hargeysa(Hayaannews): Ganacsade Ahmed Osmaan Geelle oo ah Mulkiilaha Shirkadda #integrated_shipping_service (#ISS) iyo shirkadda Ethopian shipping line waxa ay heshiiskii kowaad wada saxeexdeen 2009 oo imika ah muddo laga joogo 12 sanno. Muddada intaas leeg waxa uu Axmed geele u samrayey inay maalin uun shirkadea ethopia shipping line markab ay leedahay uu kusoo xidho dekedda Berbera kaas oo nasiib wanaag ku soo xidhay dhawaan markii ugu horraysay taariikhda.#Hayaannews.net

Haddaba waxa dhawaan markii uu ogaaday in markab ay leedahay Shirkadda Ethopia shipping line leedahay uu ku soo wajahan yahay Berbera, waxa tagey Addisaababa inanka uu abtiga u yahay Madaxweyne Muuse ee Cabdiqafaar si uu usoo weyediisto inay isaga siiyaan liisankooda wakiilnimo ee Somaliland, laakiin maamulkii shirkadda Ethopian shipping line waxay u sheegeen inuu wakiilkooda somaliland yahay Ahmed Cisman Geelle iyo shirkaddiisa ISS sidaas darteedna ay iyaga kula jiraan heshiis muddo dheer ah.

4th Julaay ee bishan waxa Hargeysa yimid maamulka u sarreeya ee Shirkadda Ethiopian shipping line oo u yimid sidii ay goob joog uga noqon lahaayeen markabkii u horreeyey ee Ethopian shipping line leedahay oo kusoo xidha dekedda cusub ee berbera sidoo kalena ula xidhiidhi lahaayeen DP WORLD oo ay u yihiin macmiil cusub.

Haddaba waxa ogaaday inay imanayaan maamulka shirkadda Ethiopian shipping line inanka uu abtiga u yahay Muuse Biixi ee Cabdiqafar ka dibna waxa uu yimid airportka isagoo adeegsanaya awood dawladnimo, halkaas oo uu isku dayay iyagoo ay goobta joogaan masuuliyiintii Shirkadda integrated shipping service ee wakiilka u ahaa shirkaddan Ethopia shipping line inuu juujuub ku kaxeeyo masuuliyiintii Ethopianka ahaa isaga oo doonayey inuu dejiyo hotel uu sii diyaarsaday ha se ahaatee Masuuliyiintii shirkada ethopianka ah waxay diideen inay raacaan waxaanay u sheegeen inuu qaabbilayo wakiilkooda Somaliland oo ah shirkadda integrated shipping service (ISS) ee uu mulkiilaha ka yahay ina Geelle Arab.

Markii isku daygii uu ku doonayey wiilka uu abtiga u yahay Muuse Biixi ee ahaa inuu qasab Hargeysa gudaheeda kula wareego wakiilnimadii shirkada Ethopia shipping line uu fashilmay waxa uu tagey xafiis walba oo dawladda ah si loo joojiyo masuuliyintii shirkadani inaanay wax dhaqdhaqaaq ah samayn laakiin wuu ku fashilmay ilaa uu ugu danbayn uu kasoo dhex hadlay wiig ka dib wasaaraddii ganacsiga oo warqaddan soo qortay.

Haddaba warqaddii maanta ay soo saartay wasaaradda ganacsigu waxa ku qornaa inay dekadda Berbera u galiyeen si baalmarsan sharciga maamulka shirkadda Ethiopian shipping line, hase ahaatee waxa ay ka haysteen oggalaansho buuxda Shirkadda Dp world oo maamusha dekedda Berbera.

sida sawirradan hoose ka muuqata maamulaha Dp world Berbera oo ah shirkadda maamusha dekedda Berbera waxa uu soo dhawayn iyo martigalin ugu sameeyey xafiiskiisa ku dhex yaalla dekedda Berbera maamulka shirkadda Ethopian shipping line iyo safiirka Ethopia u fadhiya Somaliland, halkaas oo ay ku falanqeeyeen fursadaha ganacsi ee dekedda Berbera sidoo kalena uu ku soo wareejiyey dhamaan qaybaha kala duwan ee dekadda Berbera isaga oo halkaasna ku siiyey hadyado.

Haddaba soo laba kaclaynta dagaalka lagu soo qaaday Axmed Cismaan Geelle wuxuu muujinayaa in wali dagaalkii ganacsi ee lagu waday aanu dhammaannin.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewssoma@gmail.com