Wararkii Ugu Danbeeyey Ee  Qarixii Sababay Dhimashada Iyo Dhaawaca Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Muqdisho(Hayaannews): 7-qof ayaa dhintay in ka baddan 10-qofna way ku dhaawacmeen, kadib markii qof bam isku soo xidhay uu isku qarxiyay makhaayadda Gelato Divino oo ah goob jalaatada lagu iibiyo oo ku taala agagaarka KM4 ee Magaalada Hargeysa.

Sida laga soo xigtay saraakiisha caafimaadka gaadiidka gurmadka deg deg ah ee Aamin Ambulance. Lama garanayo qaraxan cidaa fulisay iyo Meesha uu ka tirsan yahay.

Qaraxan ayaa dhacay saacado yar,kaddib markii magaalada uu booqasho lama filaan ah uu ku tagay ku-simaha Wasiirka Difaaca Maraykanka Christopher Miller oo isagu halkaasi kula kulmay sida la sheegay qaar ka tirsan ciidamada Maraykanka ee Somalia ka howlgala.

Booqashada Miller ayaa imanaysa iyada oo ay wararku sheegayaan in madaxweyne Donald Trump uu qorsheynayo inuu 759 Askari oo Maraykan ah ka saaro magaalada Muqdisho, kuwaasi oo halkaasi u jooga inay caawiyaan isla markaana ay tababaraan ciidamada Soomaaliya.

Hayaannews, Office

Muqdisho, Hargeysa.