Wararkii Ugu Danbeeyey Qarixii Beledweyne Iyo Tirada Dhimashada Oo Mareysa iyo Tuhunno ka dhashay Cidda fulisay

Muqdisho (Hayaannews)- Waxa sii kordhay khasaaraha ka dhashay qaraxyo Ismiidaamin ahaa oo xalay ka dhacay gudaha magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ee dalka Soomaaliya.

Qaraxyada xalay ka dhacay Baledweyne ayaa ahaa kuwa aad u waa weyn oo gilgilay guud ahaan xaafadaha magaalada Baledweyne, waxaana inta la xaqiijiyay ilaa hadda tirada dhimashada ay mareysaa ilaa 48 ruux oo isugu jira qeybaha kala duwan ee bulshada Baledweyne, waxaana la soo warinayaa dhaawacyo kor u dhaafaya 108 ruux, sida laga soo xigtay Madaxweynaha Hir-shabeelle Cali Guud-laawe.

Qaraxa koowaad oo ahaa mid uu fuliyay ruux naftii halige ahaa ayaa ka dhacay afaafka hore ee Madaxtooyada maamulka Hirshabeelle ee magaalada Baledweyne, waxaana qaraxaasi ku geeriyooday Xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi, qaar ka mid ah ilaaladeeda iyo Xildhibaan Hore Xasan Dhuxul.

Qaraxa labaad ayaa waxaa isna uu dhacay daqiiqado kooban kadib qaraxa koowaad, waxaana uu ahaa qarax loo adeegsaday gaadhi laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa, kaasoo lala beegsaday gaadhi ciidan oo dhaawacyo ka soo qaaday gudaha Xerada Lamagalaay maadaama aan loo ogoleyn gaadiidka rayidka ah, waxaan qaraxa lagula beegsaday inta u dhaxeysa Cisbitaalka weyn iyo Hotel Kaamil, waxaana ka dhashay qaraxaasi khasaaraha ugu badan ee dhimashada.

Madaxweynaha  Hirshabeelle oo ka hadlay qaraxa lagu dilay Xildhibaan Aamino Maxamed ayaa faray laamaha amniga in baadhis deg deg ah ku sameyaan qaraxa lagu dilay Xildhibaan Aamino oo xilliga Qaraxa lagu dilay u socotay iney kulan la soo qaadato madaxweyne Cali Guudlaawe oo ay balansanayeen.

Khasaaraha qaraxyadan u dambeeyey oo marba marka ka dambeysa sii kordhaya ayaa haddana wararka soo baxayaa sheegayaan in ku dhawaad ilaa 10 ruux lagu la’yahay nolol iyo geeri.

Marka laga soo tago khasaaraha nafeed, waxaa jira mid hantiyadeed oo aad u ballaadhan oo soo gaadhay dhismayaal ganacsi oo ku yaala goobta uu qaraxa ka dhacay oo uu ka muuqdo burbur laxaad leh.

Weerarrada Beledweyne iyo Muddo-xileedka AMISOM

Waxa jira tuhunno soo baxaya oo layska weydiiyey sababta ay isugu soo beegmeen weerarradii xalay ka dhacay magaalada Beledweyne, weerarradii shalay lagu dilay dadka ajaanibka ah ee lagu qaaday garoonka diyaaradaha Muqdisho oo ammaankiisa aad loo ilaaliyo iyo dhammaadka muddo-xileedka ciidamada Midowga Africa ee nabad-ilaalinta u jooga Dalka Soomaaliya.

Muddo-xileedka Ciidamada nabad-ilaalinta u jooga Soomaaliya ee AMISOM, ayaa ku eg 31-ka bisha March ee sannadkan kaddib muddo 15-sanno ah oo ay ku sugnaayeen dalkaas, waxaana 1-da bisha April 2022 shaqada kala wareegi doona ciidan cusub oo loo bixiyey Hawlgalka Midowga Afrika ee Ku-meel-gaadhka ah ee Soomaaliya oo loo soo gaabiyo ATMIS (African Union Transition Mission in Somalia).

Haddaba, su’aashu waxa ay tahay maxaa isku beegay weerarada khasaaraha badan sababay ee 48-kii saacadood ee u dambeeyey ka dhacay magaalooyinka Soomaaliya iyo qorshahan Ciidanka AMISOM lagu beddelayo?