Wararkii Ugu Danbeeyey Xaalada Dalka Ethiopia Iyo Qeylo Dhaanta Dawlada Mareykanka.

Adis-ababa(Hayaannews); Ergayga Gaarka ah ee Mareykanka uqaabilsan Geeska Afrika Jeffrey Feltman ayaa Maalinta berri oo khamiis ah la filayaa inuu  u safro Itoobiya, si uu dhinacyada dagaalamaya ee dowlada Itoobiya iyo Jabhadaha ugu baaqo iney Xal nabadeed gaadhaan.

Safarka iyo qaylo dhaanta Ergayga Gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Geeska Afrika ayaa ku soo beegmaysa xili ay Jabhadaha isbaahaystey ee Tigreega iyo Oromadu ku sii siqayaan Magaaladda Caasimada ah ee Addis Ababa.

Dhanka Kale, waxa Xaalad Deg-deg ah oo socon doonta muddo Lix billood ah lagu soo rogay Guud ahaanba Itoobiya, iyadda oo dadka shicibka ahna loogu baaqay inay Hubka qaataan oo ay iska difaacaan kooxaha falaagadda ah ee TPLF iyo Jabhadda Oromadda oo Is kaashanaaya, kuwaasi oo Dhanka Caasimadda Addis Ababa Inay usoo ruqaansadaan Qorshohoogu yahay.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

#Mustafe_Janaale(#MJ)

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com