Warbixin Kashiftay Musuqmaasuq Hadheeyey Guddiga Qandaraasyada Qaranka Somaliland

Hargeysa(Hayaannews):- Waa warbixino taxane ah oo aanu ku soo bandhigi doono,  kuna lafo-guri doono, isla markaana ku faaqidi doono musuq maasuqa, eexda, laaluusha qaadashadda iyo mashaariicda naas-nuujinta ah ee uu ku kacay guddoomiyaha guddiga qandaraasyadda qaranka Somaliland.

Kuwaasoo ku qotoma xaqiiqda xafiiskaas ka jirta iyo dhacdooyin ay goob joogeyaashii iyo  markhaatiyadeedii oo si buuxda u qiraya waxyaabaha meeshaas ka dhaca iyo sidoo kale macluumaad cadaynaya nidaamka musuq ee hadheeyay xafiiskaas….

Qaybta koowaad:

Markii uu xukunka dalka la wareegay madaxweyne Muuse Biixi, waxyaabihii uu sheegay in uu wax ka qabanayo oo isbedel muuqda uu ku samaynayo waxaa ka mid ahaa nidaamka loo bixinayo qandaraasyadda dawladda.

Waxaanu balan qaaday in guddiga qandaraasyadda qaranka la soo marinayo mashruuc kastoo ay xukuumadu fulinayso, ee ku kacaya ama qiimaha lacagta ku baxaysaa ay ka badan tahay 5000$.

Inkastoo ay sharciyan sidaas tahay, hadana waxa uu madaxweynuhu balan qaaday in uu soo celinayo ku dhaqankeedda, isla markaana si cadaalad ah oo shuruucda guddiga qandaraasyadda waafaqsan loo mari doono.

Haddii uu yahay qalab ay wasaarradaha dawladu soo iibsanayaan, ama hay’adaha kale ee dawladda iyo haddii uu yahay dhisme ay dawladu dhisanaysaba.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in dhamaanba wixii mashaariicda ah ee ay xukuumadu fulinayso loo mari doono dariiqa sharciga ah, isla markaana loogu tartami doono si cadaalad ah oo daah-furan.

Balan qaadkaasi madaxweynaha xiligaa aad ayay bulshadda Somaliland oo dhan u soo dhaweeyeen, waxaana loo arkayay tallaabo wanaagsan.

Hase yeeshee waxay su’aashu tahay balan qaadkaasi ma laga dhabeeyay, oo sidii madaxweynuhu u sheegay ma loo fuliyay, mise wuxuu ahaa qorshe cid gaara lagu naas-nuujinayay?

Xaqiiqda marka loo noqdo balan qaadkii madaxweyne Biixi wuxuu noqday mid aan sidii uu u sheegay iyo si u dhaw toona loo fulin gebi ahaanba.

Maxaa yeelay? Xiligaa wixii ka danbeeyay guddiga qandaraasyadda qaranku waxay noqotay meel ay ka dhex jiraan musuq maasuq aad u daran, eex, garabaysi beelaysan iyo laaluush qaadasho.

Guddoomiyaha guddiga qandaraasyadda qaranka Somaliland ee hadda Nuux Maxamed Xuseen, oo uu madaxweyne Biixi xilkaas u magacaabay 22-kii bishii April ee sanadkii 2018-ka, mudadda uu joogay xafiiska waxa uu sifo sharciga hay’adaas baal-marsan u bixiyay  qandaraasyo aad u badan oo dhamaantoodba cadaalad darro ah.

Sida sharciga ah, marka guddiga qandaraasyadda qaranka  ay mashruuc loo baahan yahay in la fuliyo u soo gudbiyaan wasaarradaha iyo hay’adaha kale  ee dawladu, ayay naadiyaan nooca mashruuca, meesha laga fulinayo, shuruudaha looga baahan yahay shirkadda fulinaysaa in ay buuxiyo iyo arrimo kale.

Kadibna waxaa soo codsadda in ay fulinta mashruucaas u tartamayaan shirkado badan, kuwaasoo marka la kala saaro kadib lagu dhawaaqo ama la shaaciyo shirkadda ku guulaysatay. Iyadoo lagu kala xulanayo ama lagu kala saarayo hadba shirkadda buuxisay shuruudihii la rabay.

Taa bedelkeedda mudda uu joogay xafiiska guddoomiyaha guddiga qandaraasyadda qaranka Nuux Maxamed Xuseen, waxay hay’adaasi noqotay mid cid gaar u adeegta ama lagu naas-nuujiyo.

Kaasoo ficiladda xad-gudubka ah ee uu ku kacay ay ka mid yihiin in marka la shaacinayo shirkad ku guulaysatay qandaraas hore loo naadiyay, sameeya ficilo indho-sar-caad ah si aanay bulshadu u fahmin musuq maasuqa uu ku kacay.

Tallaabadaasi oo guddiga qandaraasyadda qaranka Somaliland ka dhigtay meel uu hadheeyay musuq, eex, laaluush qaadasho, garabaysi iyo u sad-burin shaqsiyaad xidhiidh dhaw la leh madaxtooyadda ama waa in uu shirkadda lagu sheegayo in ay guulaysatay laaluush ka qaatay.

Waxaanay hadda u muuqataa meel lagu kala macaasho oo hadba cidii u jeeb roon uun qandaraaska la siiyo, isla markaana il dhaqaale oo dihin ayuu u arkaa guddoomiyaha guddigaasi.

Guddiga qandaraasyadda qaranku waxay noqotay meel uu guddoomiyaha guddigaasi sida uu doono ugu adeegto, isla markaana ugu sad-buriyo shaqsiyaadka xidhiidhka la leh madaxtooyadda ee Heegaysan.

Waxaana mashaariicda dheefta leh ee  ay guddigaasi baahiyaan la siiyaa shirkadaha ay leeyihiin xubnaha ku xidhan madaxtooyadda iyo kooxda Heego oo saamayn weyn ku leh mashruuc kastoo dhaqaale laga faa’iidayo oo dalka Somaliland laga fulinayo mudooyinkan danbe.

Sidaas darteedna si loo ma jaro habaabiyo bulshadda, isla markaana indho-sar-caad uu ugu dhigo guddoomiyaha guddiga qandaraasyadu waxa uu warbaahinta ka sheegaa in shirkadda guulaysatay ay tahay mid si cadaalad ah ku soo baxday.

Isagoo arrintaana uga dan leh in uu Deddo cadaalad darradda iyo musuq maasuqa uu ku kacay.

Waxaana la xaqiijiyay in guddoomiyaha guddiga qandaraasyadu shirkadaha uu ku sheego in ay ku guulaysteen mashruuc la fulinayo ay kala yihiin laba mid uun.

Ama waa in uu isagu lacag laaluusha ka qaatay, ama waa in ay tahay shirkad ay mulkiileyaal ka yihiin ama ay wax ku leeyihiin kooxda madaxtooyadda gacan saarka la leh ee Heego, ooh agar-daamooyin dalka ku haysa.

Iyadoo aan taa bedelkeedda wax tixgelin ah ama rejo ah laga lahayn awoodda ay shirkadda qandaraaska la siiyay u leedahay in ay fulin karto mashruuc tayo leh, isla markaana dalka iyo dadkaba faa’iido u leh.

Ficiladaas isugu jira kuwa Heegaysan iyo kuwa uu guddoomiyaha guddiga qandaraasyadu lacagta laaluushka ah ka qaatay ayaa hay’adii qandaraasyadda qaranka ka dhigay meel ganacsi oo macaasha iyo dheef lacageed laga raadiyo.

Xigasho Hargeisapress.com

La soco qaybaha danbe.