Wargeyska New York Times Oo Sheegay In Xanuunka Covid_19 Uu Somaliland Dadka Ugu Laynayo Si Aamusnaan Ah

Hargeysa (Hayaannews) –  Xaaladda Somaliland ee xannuunka Coronavirus ayaa laga dayriyay, iyadoo aannay jirin warbixino la xidhiidha xaaladda xanuunka ee xilligan Somaliland iyo heerka uu marayo.

Wargeyska caanka ah ee New York Times, ayaa warbixin la xidhiidha arrinta xannuunka COVID_19, ka qoray  Somaliland, wuxuuna daabacay warbixin uu kaga hadlayo Cusbitaalka kali ah ee Hargeysa lagu dabiibo dadka uu asiibo xannuunka Coronavirus.

“Qiyaas ahaan 80% bukaanada laga helo Covid_19 ee Cusbitaalka Guud ee Hargeysa u soo gudbiyo Daryeel Hospital nooma yimaaddaan, guryahooda ayay dadku ku dhintaan.” Sidaa waxa Wargeyska New York Times u sheegay Dr. Yusuf M. Ahmed oo ka hawlgala Daryeel Hospital.

Wuxuu intaa raaciyay in xannuunka Coronavirus dadka aamusnaan ku laayay, iyadoo bukaanadu ku dhimanayaan guryahooda sida uu sheegay, “Hadda, Fayrasku Dadka aamusnaan buu ku laynayaa..” ayuu sheegay Dhakhtarka la hadlay Wargeysku.

Randa Hassan Mohamed oo ah Kalkaaliso Caafimaad oo ka shaqaysa Daryeel Hospital Hargeysa ayaa Bukaan qabay Covid_19, dibedda uga saartay Cusbitaalka, iyadoo ka saartay qolkii uu jiifay, si uu u helo Hawada dabiiciga ah iyo cadceedda, taasi oo qayb ka ah dedaallada lagu samato-bixinayo Dadka Xanuunkaasi ku haleelo gudaha Somaliland.

Wargeysku waxa kale oo uu soo hadal-qaaday Tacsida badan ee Bogagga Baraha Bulshada daadsan, taasi oo uu tilmaan uga dhigayo tiro badnida Geerida “Covid_19 wuxuu la soo laabtay Aar-gudasho..” ayuu sheegay Wargeyska oo soo xiganaya Dadka uu waraystay.

 

Dr. Hussein Abdillahi Ali ayaa Wargeyska u sheegay in dhibaatooyinka ugu waaweyn ee Somaliland ka jira ay ka mid tahay in Dadka Cisbitaalka la geeyo marka ugu dambaysa ee bukaanku ku jiro Xaalad halis ah oo aan waxba laga qaban Karin

Geeska Afrika

Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

Email: Hayaannewssoma@gmail.com