Warmurtiyeed Xasaasi ah oo Weftigii Safiirradu ka soo saareen Socdaalkii ay ku Yimaadeen Somaliland

Hargeysa(Hayaannews)- Weftigii danjireyaasha caalamka  booqashada shaqo ku yimid Toddobaadkii hore Hargeysa  ayaa War-murtiyeed ka soo saaray socdaalkii Jamhuuriyadda Somaliland, waxaanay  baaqyo kala duwan u soo jeediyeen  madaxda dawladda iyo xisbiyadda Siyaasadda Somaliland.

Warmurtiyeedka ay soo saareen  shalay  weftigii Safiirrada ahaa  oo Wakaallada Wararka Somaliland (SOLNA) soo turjuntay ayaa u qornaa sidan:-

“Wefti sare oo ka koobnaa Danjireyaasha iyo Wakiillada Dawladaha  Denmark, Finland, Norway,  Sweden, Switzerland, Ingiriiska iyo Midowga Yurub oo booqasho qaadatay laba maalmood ku tagay Somaliland waxay la kulmeen Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, Xisbiyada Siyaasadda, Baarlamaanka, Guddida Doorashooyinka iyo Wakiillo ka socday Ururrada Bulshada Rayidka ah.

Ujeeddada ugu weyn ee socdaalka danjireyaashu waxay aheyd xaqiijinta inaanu sii wadayno  taageerada aanu siino nidaamka dimuqraadiyadda Somaliland, isla markaana bayaamino sidii  doorashooyinka Baarlamaanka iyo Goleyaasha deegaannadu ku  qabsoomaan 12ka Bisha December 2019ka.”

“Weftigu waxay tilmaameen walaaca ay ka qabaan in aan horumar laga sameynin u diyaar-garowgii  doorashooyinka iyo khilaafaadka u dhexeeya saddexda xisbi qaran ee ku wajahan sharciga doorashada Baarlamaanka.

Weftiga beesha caalamku waxay  tilmaameen inay  ka xun yihiin  haddii dib-u-dhac kale  yimaado doorashooyinka  oo ay sheegeen inay   caqabad ku noqonayso sumcadii dimuqraadiyadda Somaliland iyo ka qaybgalkii beesha caalamka.

Saaxiibadda Somaliland waxay xisbiyada ku booriyeen inay xaqiijiyaan u heellanaantooda  doorashooyinka isla markaana iftiimiyaan inay sameynayaan tanaasulaadka lagama maarmaanka ah.

Waxa kaloo ay weftiga beesha caalamku u soo jeediyeen  Golaha Baarlaamaanka inay dhaqaajiyaan Xeerka Doorashooyinka. Waxa kaloo Weftigu ku baaqeen in doorashooyinku ku qabsoomaan saaxad loo dhan yahay oo daahfuran iyo jawi nabdoon, waxaanay intaas ku dareen in  laga qaybgeliyo haweenka iyo dadka laga tirada badan yahay.”

Sidoo kale waxa  weftiga danjireyaashu  sheegeen inay Somaliland kala shaqeynayaan  abaaraha ka jira dalka.danjireyaasha caalamku waxay  hoosta ka xariiqeen inay soo dhaweynayaan sida Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi  uga go’an tahay  wadahadallada ay la yeelanayaan Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo.

Ugu dambayn,  waxa weftigii saaxiibada Somaliland   war-saxaafadeedkooda uga mahadceliyeen   madaxda Somaliland sidii diiraneyd ee loogu soo dhaweeyey  Jamhuuriyadda Somaliland.