*Warqad Cigaal U Diray Cali Mahdi 1 February 1996   (Duco-qabe)

Waxan helay warqaddii 18 January ee aad iigu soo dhiibtay Jaamac Gaas Mucaawiye wakiilkayaga Xamar noo fadhiya. Warqadda markaan helay dabadeedna waxa na soo gaadhay wafdigii saddexda oday ka koobnaa oo aanu si fiican oo sarraaxad iyo walaaltinimo leh isu weydaarsanay.

Ayaga ayaan rajaynayaa inay si tifo-tiran kaaga warramaan wixii aannu ku wada hadalnay. Waxanse jeclaystay in aan si rasmi ah kuu soo gaadhsiiyo dhowr arrin  oo ay ila tahay in loo baahan yahay in laga saaro mugdiga ay ku jiraan.

Waxad moodaa madaxda Soomaaliya inay caado ka dhigteen “slogan”no ku saabsan somaliweyn. Arrintaa in xaqiiqadeeda la ogaado ayaa fiican oo aan lagu meer-meerin hadal iska dhe mooyee an xaqiiqo siyaasiya lahayn.

Jabuuti waa tii ad walaal tagtay ee ay madaxdeedu sida fiican ee gobanimada ah ay kuu marti geliyeen. Ma filayo inaad ama hadalkooda ka dha-dhansatay ama ay kuu sheegeen iney maankooda iyo maskaxdooda ku jirto iney dawladnimadooda duuduubaan oo ay ku biiraan wax la yidhaahdo somaliweyn.

Kililka shanaad ‘regime’ka cusub ee Ethiopia xukumaa wuxu siiyey dawlad hoosaad madaxbannaan, distoorka Ethiopia dhigteena wuxu dhigayaa in gobollada Ethiopa ay xaq buuxa u leeyihiin iney taqriir-almasiirkooda u madaxbanaan yihiin oo kii rabaa Ethiopia ka go’i karo.

Sidaasoy tahay anigoo aad uga warqaba siyaasadaha ka soconaya kililka 5aad cid ka fikiraysa iney Ethiopia ka go’do oo ay wax Soomaali weyn la yidhaahdo ku biirtaa ma jirto.

Waxay ku mashquul yihiin laba arrin oo qudha oo ah dhexdooda sidey wax u qaybsan lahaayeen iyo qiime intey ku yeelan lahaayeen Ethiopia dhexdeeda.

NFD dhulkii la odhan jirey ee lixdankii awrtu u rareyd ee Soomaaliya hayaanka ku soo ahayd waxan jecelahay inad ogtahay in awrtii rarkii laga dhigay oo la gudoonsaday in Kenya laga mid noqdo laguna nagaado.

Fikirkooda qudhihi markaan madaxdii aad u xansaday waxa weeyi:- sidey meelmar uga qayb geli lahaayeen siyaasadda iyo maamulka Kenya. Waa faro ku tiris raga maanta weli sii hadal haya ‘slogans’kii lixdamadii iyo mabda’ii Somaliweyn.

Anagoo Somaliland ihina afar sano horteed ayaanu arrintayadii dhammaysanay oo ku guddoonsanay inaanu gooni isutaagno madaxbanaanidayadiina la soo noqono. Guddoonkaas, walaalkayow, cid aanu ka martigelineynaa ma jirto. Ciddii isle waad la wadaagtaan oo qeyb baad ku leedihiinna way khaldanyihiin.

Waxan markaa walaalkayow kaa codsanayaa inad is-weydiisaan adiga iyo Maxamed Abshir, Cabdilaahi Yuusuf iyo Xuseen Bood iyo ragga kale ee idinla mid ahi  Somaliweynta ad hadal haysaan waa tee?Ma wax anan ogeyn ayaad ogtihiin? Mise wuxuun baad isjecleysiiseen oo runtii idinkaa daboolay?

Warqadaad ii soo qortay walaal ee aad igaga masuugtay inaad iigu yeedho mansabkii iyo magacii dadkeygu ii doorey ee ad igu waanineyso Somaliweyn an jirin ee ad indhaha ka qarsaneyso taariikhdii afarta sanadood ee aynu soo dhaafney waa mid kala fogeyn qudha sababi karta  ee ayna ka muuqanin is-qadarin iyo qiimaha aynu xaq iskugu leenahay.

Si ay idinka idinka taheyba waxey annaga noogu dhadhameysaa  inad naga filaysaan inaanu madaxbanaanindayadii idinka martino.

Laakiin maanu aheyn mustacmarad koonfuri xukumi jirtey maantana istiqlaal ka qaadaneysa ee waxanu aheyn dal xor ah oo riladiisa iyo raqbadiisa idinku raacey lixdankii.

Waxa kale ee an walaal la yaabaa sida ay hadalkiina uga dhadhameyso sidii aynu aheyn dad is-jeclaa oo isu haraadanaa oo is-raacoodiina najaxay oo meel maray.

Runtii waxey ahayd in la is karhey oo magacyo naaneys ah la isku bixiyey oo sidii biyaha iyo saliida la is mari waayey. Magaca aanu maanta sheegano ‘Somalilander’ waa kaa reer woqooyi u bixiseen ayadoo lagu faquuqayo oo lagu fogeynayo. Kuwo kale oo ka naxli weynaa waa jireen oo anan maanta afka ku dhufanaynin, Somalinimo iyo walaalnimo waxa qudha ee ay ku iman kartaa ayadoo macaan oo meelmar ah, markeynu noqono laba raas oo kala madax bannaan oo daawo u leh  walaalnimo iyo deris kalgacal leh.

Somaliland madaxbanaanideedu koonfur kuma xidhna, arrintana wax ka ceydhiin ma jiraan oo wey noo dhamaatay, aniguna madaxweynihii labaad ee Jamhuuriyada Somaliland ayaan ahay…

Ilaa immika SSA waxanu ka haynaa  oo warqadaadani u dambeysay ay kaga duwantahay waxanu Ceydiid ka hayno majirto. Kuwa maanta Ceydiid la jira ee uu maqaar-saarayaa ee uu leeyahay Somaliland bay masilayaan waa kuwii shaley adiga kula jirey ee ka mid ahaa SSA ee ad caalamka ugu sheekayseen iney yihiin madaxdii woqooyiga. Raggaas iyaguun baa SSA ka tegay ee idinku meydin eryin anaguna Ilaah baan ka magan galnay inaanu iyagii idiin beddelno.

Walaalnimadeena iyo wax-wada qabsigeenu waxa qudha ee uu ku iman karaa, kuna meelmari karaa waa markeynu isu aragno ee wada xaajoono laba Qaran oo walaalo ah oo dhiig, dhaqan iyo derisnimo ka dhaxayso. Warka intiisa kale waxa kuu tifo-tiri doona odayaashii ad soo dirtay. Waxanu hayneyna hagarlii ayaanu idin kula soo qaybsaney oo idinku soo dhiibney, wixi hadheyna waxanu kula ballaney inaanu idiin soo diri doono wafdi ka kooban saraakiishayada Milateriga ah foolaadkoodii Walaalkaa

Maxamed Ibraahim Cigaal

Madaxweynaha J. Somaliland.”

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

#Mustafe_Janaale

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com