“Wasaarada Ganacsiga,Wershadaha iyo Dalxiiska Somaliland Ayaa U Badheedhay Iney Cidhiidhi-geliso Nolosha Dadka” Xamse C. Khayre

Xamse-Khayre-Hayaannews

Hargeysa(Hayaannews): Sixirka iibka gaaska cuntada lagu karsado ayaa la filayaa inuu kor uga kaco doono halkiisii hore maalmaha fooda inagu soo haya,kadib markii la kordhiyey khidmada adeega Dekeda Berbera ee Konteynarada.

Xoghayaha Ganacsiga, Wershadaha iyo Dalxiiska ee xisbiga Waddani Xamse C. Khayre oo si kor ka xaadis ah uga waramey sababta keenaysa sixir bararka gaaska ayaa yidhi;

“Waxaa la kordhiyay khidmada adeega dekeda Berbera ee koontaynarada Gaasta cunta lagu karsado. Waxaa markii hore kontaynarka 20ft ah laga qaadi jiray $ 532 kaas oo hadda laga dhigay $798 taas oo lagu kordhiyay kontaynar walba $266. Waa korodh dhan 50%.

Kontaynarka 40ft-ka ah ee Gaaska  oo $859 markii hore la qaadi jiray ayaa isna laga dhigay $1,288 taas oo ah korodh dhan 50%.

Sidaa markay tahay waxaa dhici doonta in haanta gaaska ahi ay afka saarto $35 ilaa $ 40 dhawaan.

Xukuumada Somaliland iyo Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha & Dalxiiska iyo gebi ahaanba siyaasadeedii ganacsigu aanay ahayn mid iyada gacanta ugu jirta amaba u badheedhay iney cidhiidhi geliso nolosha iyo waayaha dadka reer SL ee markii horeba la il darnaa sicir-bararka, abaaraha iyo saboolnima is barkan.

Korodhka khidmadaha adeega kontayneerada waxaa ka horeeyay oo aan idinla wadaagnay dorraad adeeg kale oo isna soo kordhinayay $20 calaa Kontayner oo lagu sheegay adeega hubinta cayayaanada kontaynarada. Korodhka qiimaha shidaalka, korodhka cashuurta qaadka, shirkada COTNEC ee iyana tayadda cuntada iyo dawada la siiyay  oo khidmado soo kordhisay ayaa usbuucan uun ahaa.

Xafiiska Ganacsiga, Dalxiiska & Warshadaha Waddani ayaa si dhow ula socda arimahan oo idinla wadaagi doona warbixino waafi ah marka ay haboonaato.”

Xamse-Khayre-Hayaannews

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

#Mustafe_Janaale

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com