Wasaarada Maaliyadda Somaliland Oo Horgeysay Golaha Wakiillada Odoroska Miisaaniyad Sannadeedka 2022 Iyo Su’aalihii Xildhibaanada

 “Hadii Ay Kala Bataan Dakhliga iyo Kharashka Aynu Isticmaalo Waxay Sababaysaa Hoos-u-dhac Ku Yimaada Shilinkeena iyo sicir bararka”Wasiir Sacad C. Shirre

Hargeysa(Hayaannews): Fadhigii maanta ee Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa la hor-geeyey odoroska Miisaaniyadda Qaranka ee 2022-ka.

Fadhigan oo uu Guddoominayey Guddoomiyaha golahaas Mudane Cabdirisaaq Khaliif Axmed, ayaa waxa Mudaneyaasha Golahaas ka hor akhriyey warbixinta guud ee odoroska Miisaaniyadda Wasiirka Wasaaradda horumarinta Maaliyadda Sacad Cali Shire, isaga oo si guud u dul maray waxyaabaha ay xambaarsan tahay Miisaaniyadda uu Golaha Horkeenay.

Wasiir Sacad Cali Shire, ayaa is dul taagay meelaha ay mudnaanta siiyeen iyo mashaariicda ku jirta Miisaaniyadda. “Miinaasiyada Somaliland ma jirto cid kabta oo gacan dhaqaale ina siisa,mana jirto dayn aynu ka qaadano baananka Caalamka,Kaliya waxaynu isku filaysiinaa dakhliga ka soo xerooda Ilaha dakhli ee dalka,Hadii ay kala bataan dakhliga iyo kharashka aynu isticmaalo waxay sababaysaa hoos u dhac ku yimaada shilinkeena iyo sicir bararka oo sii socda”.Ayuu yidhi Wasiir Sacad Cali Shirre

Wasaaradda Horumarinta Maaliyaddadu iyada oo gudanaysa waajibkeeda Dastuurka Qaranka, qodobkiisa 55 aad farqadiisa 1.aad.  iyo xeerka Maamulka Maaliyaddada ee Xeer No. 75/2016 qodobkiisa 5 aad,   waxa ay manta oo ay taariikhdu tahay 27-12-2021  u gudbisay golalaha Miisaaniyadda Dawladda ee Sannadka 2022  oo ah Miisaaniyaddii 31 aad ee qarankanku yeesho.

Miisaaniyadu waxay ka koobantahay laba buug; ka dawladda dhexe iyo ka dawladaha hoose iyo hay’adaha madaxabanaan. Buuga miisaaniyada dawladda dhexe guud ahaan wuxuu koobanyahay 5 qaybood:

Miisaaniyadda dawladda dhexe ee sannadka 2022 waxay dhantahay Slsh.2, 410 (Laba Tirillion, afar boqol iyo billion). Waxay miisaaniyadii 2021 dheertahay 11%. Marka lagu daro miisaaniyadda dawladda hoose oo dhan slsh5,29b, iyo miisaaniyada hay’adaha madax banana oo dhan slsh2,77b iyo mashaariicda aynu xogtooda hayno ee hay’aduhu maal-geliyaan oo dhan slsh2,32b, waxay miisaaniyadda 2022 wadarahaan tahay Slsh 3,447b taasoo miisaaniyaddi 2021 ka badan 17%.

SIYAASADDA MIISAANIYADDA

Miisaaniyadeena 2022 waxaa hogaaminaaya siyaasado iyo himilooyin ay ka mid yihiin:

  1. Isu dheelitirka dakhliga iyo kharashka (Balanced Budget).
  2. Xakamaynta sicir bararka
  3. Ilaalinta qiimaha shillinka
  4. Xoojinta amniga
  5. Qabashada biyaha roobka
  6. Ku talo galka abaaraha
  7. Kor u qaadida adeegyada caafimaadka iyo wax barashada
  8. Dhiiri gelinta wax soo saarka
  9. Ilaalinta deegaanka
  10. Xoojinta raadinta ictiraafka
  11. Dhismaha Kaabyaasha
  12. Qabashada doorashooyinka

Mudaneyaasha Golaha Wakiillada oo odoroskan Miisaaniyaddu noqonaya tii u horreeysay ee la horkeeno, ayaa su’aallo gaadhaya 70 su’aalood ka weydiiyey Wasiirka Maaliyadda iyo masuuliyiinta Wasaaraddaasi ee la socotay Miisaaniyadda la horkeenay iyo qaabka ay u soo diyaariyeen.

Xildhibaannada, ayaa su’aalahooda ku qotomeen xaaladdaha kala duwan ee dalka iyo miisaaniyadda la horkeenay qaabka ay isu waafaqayaan, waxaanay qaarkood weydiiyeen deegaannada laga soo doortay duruufaha ka jira ee abaaruhu ka mid ka yihiin iyo sida aanay dhaqaale badani ugu jirin miisaaniyadda.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

#Mustafe_Janaale(#MJ)

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com