Wasaaradda Gaadiidka oo Iska Difaacday Eedo Masuul ka tirsan Xisbiga WADDANI u soo Jeediyey
April 29, 2019 - Written by admin
Hargeysa(Hayaannews)-Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland ayaa war-saxaafadeed ay soo saareen waxay jawaab ka bixiyeen hadal ka soo yeedhay masuul ka tirsan xisbiga WADDANI oo naqdiyey hawlaha wasaaraddasi.
Sidaasna waxa lagu sheegay War-saxaafadeedkaasi oo uu ku saxeexnaa Afhayeenka Wasaaradda Gaadiidka Ismaaciil Cali Axmed oo Nuqul ka mid ahi soo gaadhay Shabaada Wararka ee Hayaannews, waxaanu u qornaa sidan:-
Dhawaan warbaahinta madaxbanaan waxaa soo gaadhay eedayn ka dhan ah Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka oo uga timid xubin ka tirsan Xisbiga mucaaridka ee Waddani.