Wasaaradda Gaashaandhigga Itoobiya Oo Go’aan Ku Gaadhay Kala-dirista Ciidanka New Police-ka Ismaamulka Soomaalida

Ethiopia(Hayaannews): Wasaaradda Gaashaandhigga Itoobiya ayaa go’aan ku gaadhay kala-dirista Ciidanka New Police-ka Ismaamulka Soomaalida

Sida ay soo wariyeen Ethiopian Reporter, Addis Standard iyo Addis Fortune oo ah joornaalo ka soo baxa Addis Ababa, ayaa waxa ay sheegeen in Wasaarada Difaaca Itoobiya ay ku dhawaaqday subaxnimadii hore ee maanta February 19, 2023 in dawlada Itoobiya ay  go’aan la isku raacay ka gaadhay baabiinta ciidamada lagu magacaabo ” Liyuu Booliis”,waxa kale oo Wasaarada Difaaca Itoobiya ay sheegtay in ciidamadan lagu kala darayo Ciidamada Federaalka Itoobiya.

Dawlada Itoobiya ayaa samaysay Liyu-Booliiska Soomaalida sanadkii 2007. 2023 waxa Somaliland ay dacwad u gudbisay dawlada Dhexe ee Addis Ababa, iyada oo sheegtay in ciidamo- deegaanka Soomaalida Itoobiya ay qayb ka qaateen dagaalka maleeshiyaadka qabiiliga ah iyo argagaxisada Alshabaab ay ka wadaan magaalada Laascaanood.

Waxa suuragal ah in baabiinta ciidamada Liyuu- Booliiska Soomaalida uu ku lug leeyahay dagaalka u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo maleeshiyaadka ka dagaalamaya Laascaanood.

January 7, 2023, khudbad uu jeediyay Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland H.E.Muse Bihi Abdi, ayaa waxa uu ku sheegay in dacwad ay u gudbiyeen wadamada Itoobiya iyo Kenya, oo uu ku eedeeyey in ay qaybo ka mid ah xukuumadahooda ay faragalin ku hayaan Jamhuuriyada Somaliland.Kulanka Wasaarada Difaaca Itoobiya waxa uu socday wakhti ka badan 2 saacadood.