Wasaaradda Ganacsiga oo Ballan Qaaday Hirgelinta Kala Xadaynta Ganaciga Somaliland
May 29, 2019 - Written by admin
“Haddii dalku maanta dagaal galo
la odhan maayo hebel ayaa shidaalka soo dejin jiray ee doona laakiin waa in
Haamaha kaydka qaranka Shidaal ku kaydsan yahay”
“Halka aan wali wax ka jabin waa
gacanta ugu dambaysa ee wax iibsiga dadwaynaha ayaana qayb ka ah in aan is
bedel ku iman.” Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga
Hargeysa (Hayaannews):- Wasaaradda Ganacsiga, weshadaha iyo Dalxiiska Somaliland, ayaa caddaysay isla markaana ballan qaaday in ay deg deg u hirgelin doonto kala xadaynta ganacsiga Somaliland oo ay dhammaystirtay xeerrarkii lagu kala xadayn lahaa ganacsiga Somaliland.
Agaasimaga
Guud ee wasaaradda Gancsiga, wershadaha iyo Dalxiiska Somaliland Mustafe
Maxamuud Cali (Bile) waxa kale oo uu ka hadlay shidaalka dalka ka soo geli
jiray waddamada deriska oo dawladdu joojisay iyo siduu u hir galay.
Waxaa
kale oo uu iftiimiyay hoos u dhaca qiimaha Dollarka iyo kor u kaca shillinka
Somaliland iyo siday isu bedeshay qiimaha ascaartu iyo halka aanay wali wax is
bedel ahi ka dhalan qiimaha wax kala iibsiga oo uu tilmaamay in dadweynuhu ay
qayb ka yihiin in aanay hoos u dhicin
Waxaanu
sidaa ku sheegay agaasimaha guud waraysi gaar ah oo uu xafiiskiisa ku siiyay
wargayska Dawan.
Ugu
horrayn Agaasimaha guud oo ka jawaabayay su’aal laga waydiyay shidaalkii
xuduudaha ka soo geli jiray dalka oo dhawaan xukuumaddu joojisay iyo siday u
hir gashay tallaabadaasi, ayaa yidhi. “Horta intaanan ka jawaabin su’aasha waxaan
doonayaa in aan iftiimiyo 3 qodob oo aasaas iyo saldhig u ahaa joojinta
shidaalka dalka ka soo gelaya xuduudaha,1 waxaa jira shidaal aanay tayadiisu
wanaagsanayn isla markaana ay ku badan tahay maadada Silfartu taas oo sun ah
isla markaana ku keeni karta dadka caafimaad darro gaadiidkana aan u fiicnayn
oo qiiq badan oo halis ah ka keenta gaadiidka markaa shidaalka xuduudaha ka soo
gelaya mar haddii aanaan baadhin oo laabkii shdaalka lagu baadhayay uu Berbera
yaallo marka koobaad bad qabka shidaalka dalka imana ayaa la eegay oo sidaas
ayaa loo joojiyay.
2
waxaan ka eegnay in aan la curyaamin Haamaha kaydka shidaalka qaranka oo
arrintoodu ay tahay arrin qaran isla markaana aanay meesha ka bixin in uu
yaraado shidaalkii Haamaha kaydka qaranka ku soo dhacayay ee soo marayay oo ay
shaqeeyaan Haamaha kaydka qaranku.
3.
In aan la waayin mar keliya shidaal oo aanu shidaalku noqon wax iska soo gala
oo hadana iska go’a oo aan lahayn meel laga hago tusaale ahaan haddii
shidaalkii Haamah cdiba ku shuban waydo oo qofba meel dalka ka soo geliyo oo haddii
dalku dagaal galo dawladdu odhan mayso Hebel baa shidaalka keeni jiray ee inoo
doona laakiin waa in haamaha kaydka qaranka shidaal dalka ku filani uu ku
jiraa, haddaan u soo noqdo jawaabtaada arrintaasi si wanaagsan ayay noogu
socotaa meel fiicanna way maraysaa ganacsatada kaalmaha shidaalkana waan iska
aragnay gaadiid loo qabtayna way jiraan danta qarankana loo eegi maayo cid gaar
ah ee waa la fulinayaa waana tallaabo qaran oo dalka iyo dadkaba badbaado u
ah.”
Agaasimaha
guud oo ka hadlayay kor u kaca qiimaha shillinka Somaliland iyo hoos u dhaca
Dollarku sababta ay aamayn ugu yeelan waayeen qiimaha maceeshada bulshadana
farriin u diray, ayaa yidhi. “Qiimaha shillinka Somaliland waa run oo kor ayuu
u kacay Dollarkiina wuu jabay wasaaradda iyo baankubana tallaabooyin badan ayay
wada qaadeen oo wacyi gelin badan ayay sameeyeen darasado badan oo aanu
samaynayna waxaa noo soo baxay in tijaartu waxay iibinayaan in ay jabiyeen oo
horena Dollar ayay ugu iibinayeen imikana Dollar ayay ku iibiyaan dolarkiina
wuu jabay, jumlad oo dhamina way jabtay, laakiin waxay is waydintu tahay halkee
ayaanay wax ka jabin oo aanay wax iska bedelin. Waxaan is bedelin waa halka ugu
dambaysa oo ah iibiyaha ugu dambeeya iyo qofka iibsadaha ah, tusaale ahaan
hudheelka aad wax ka cunayso intii ayuu kaa siinaya raashinka mana odhanaysid
waaar intani waa intii markuu dolarku malyanka ahaa aad siinaysay ee jabi
laakiin adoo qayb ka ah sicir bararka, dukaanka odhan maysid shaygaasi sadex
dolar ayuu ahaa oo sodon kun ayaad siin jirtay ee imika waa 24 kun laakiin adoo
ogol ayaad ka iibsanaysaa hadana sicir barar ayaad ka cabanaysaan, markaa
dadweynaha ayaa qayb ka ah sicir bararka qiime aad raali ka tahay ood wax ku
iibsatay in aad dawladda kaga cabatona maaha oo dawladdu iibsade iyo iibiye
raali ku kala ah waxay kala iibsanayaan ma soo dhex gali karto midda kale
dukaanka ama hudheelka dadku kaga tagaan sicir barar wuu ku qasbanaan lahaa in
uu sicirka dambe wax ku iibiyo laakiin wax aad idinku sabab u tihiin dadweynoow
ha kaga cabanina dawladda waar senti roodhi lagu kordhiyay ayay dadyawga dunidu
diidaan innaga dadkeenuna iyagaa la diyaar ah wixii la yidhaahdoba markaa
bulshada waxaann leeyahay ganacsatada bulshada ayaa ka badan oo ay u baahan
yihiin ee aynu ka wada hor tagno sicir bararka oo qofka wax jabin waaya yaan
waxba laga iibsan ka qiimha suuqa la jaanqaadana wax ka iibsada oo dhiiri
geliya ka dawlad ahaanna tallaabo ayaan ka qaadi doonaa cid kasta oo isku dayda
in ay sicir barar abuurto.”
Agaasimaha guud oo la waydiiyay sababta ay u hirgelin waayeen kala xadaynta ganacsiga Somaliland, ayaa yidhi. “waa arrin muhiim u ah horumarka dalkeen Somalilandna marba tallaabo ayaynu qaadaynay oo qaranka ku wada dhisaynay marba marxalad ayaynu ka soo gudbaynay, markaa maanta waxaa la gaadhay wakhtigii ay ku habboonayd ee ganacsiga dalka la kala xadayn lahaa, ka wasaarad ahaanna muddo badan ayaan arrintaa hawsheeda ku jirnay, wax kastaana waxay u baahan yihiin in ay helaan xeer lagu maamulo markaa imika xeerkii kala xadaynta ganacsiga waanu dhammaynay dhawaan ayaanan hor keenaynaa golaha wasiirada, ka dibna wuxuu u gudbi doonaa golaha wakiilada, waana tallaabo aad iyo aad loogu baahan yahay oo qaranka oo dhan looga baahan yahay oo horumarka dalka qayb wayn ka qaadanaysa oo suurta gelinaysa ganacsi dad badani ay ceeshaan oo suurta gelinaya in la isku daba noolaado oo cidiba cid ka sii daba shaqaysan karto insha ALLAH deg deg ayay arrinta kala xadaynta ganacsigu innoogu suurta gashona waan ku rejo waynahay.” ayuu yidhi agaasimaha guud ee wasaaradda ganacsiga,wershadaha iyo dalxiiska Somaliland oo xafiiskiisa ku siiyay waraysi gaar ah wargeyska Dawan.