Wasiir Faratoon Oo Sheegay In Aan Gorgortan & Shaki La Galin Karin Jiritaanka Somaliland, baaqna u diray Beesha Caalamka

“Wadamada  Geeska Ee Aanu Jaarka Nahay Iyo Beesha Calaamkaba Waxaanu Ugu Baaqaynaa Inay Mar Walba Tixgeliyaan Masiirka Umaddayada Iyo Dawladnimada Dalkayaga….”

Hargeysa (Hayaannews) – Wasiirka Wasaraadda Arrimaha Dibedda  Somaliland Prof: Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) ayaa sheegay in qadiyadda Somaliland gorgortan iyo shaki la galin karin, waxaanu Waddamada Geeska Afrika iyo Beesha Caalamkaba ugu baaqay inay ixtiraaman madax-banaanida iyo jiritaanka Somaliland, waxaanu  guud ahaan Shacabka reer Somaliland ugu baaqay meel kasta oo ay joogaan inay midnimadooda Iyo qaranimadooda meel uga soo wada jeestaan kana feejignadaan wax kasta oo wiiqaya masiirka dawladnimadooda.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Prof: Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn yidhi “Somaliland waa dal jira, waa dal madax-banaan, waa dal leh nidaam dawladinimo, waa dal leh Calan uu ku qoran yahay magaca ugu qiimaha badan akhiro iyo adduunkaba oo ah tawxiidka ALLE lagamana yaabo inuu Calankani dhaco, Somaliland waa dal leh Madaxweyne la doortay oo Shacabkiisu si xor ah u doorteen, Somaliland waa dal dimuqraadiya oo ka gudbay nidaamkii qabaliga ahaa una gudbay nidaamka Axsaabta badan, Somaliland waa dal xasiloon oo hay’adahiisa dawladinimo u dhamaystiran yihiin sida Hay’adaha Fulinta, Garsoorka Iyo Sharci-dejinta Iyo sidoo kale Goleyaasha Deegaanka, Somaliland waa dal leh  Ciidamo kala duwan kuwaas oo mar walba qarankooda difaacaya, hadh iyo habeena heegan u ah, “.

Mar uu ka hadlayey qaranimada Somaliland ayaa yidhi “Insha allaah aqoonsiga aanu xaqa u leenahay waanu heli doonaa dedaalkii aanu Ku helayno waanu ku jirnaa, laakiin cid kasta waxaanu leenahay waxaa habboon in la ixtiraamo qaranimadayada Iyo jiritankayaga dawladinimo, cid kastana waxaanu rabnaa in aanu  qancino, kuna qancino jiritankayaga dalnimo, dadnimo Iyo dawladinimo ee Wadamada  Geeska ee aanu jaarka nahay iyo Beesha Calaamkaba waxaanu ugu baaqaynaa inay mar walba tixgeliyaan masiirka umaddayada iyo dawladnimada dalkayaga, maxaa yeelay jiritaanka Somaliland iskamuu iman oo waxaa 97% ugu coddeeyey Umaddayada, cid wax ka beddeli kartaana ma jirto, jiritaanka Somaliland gorgortan iyo shaki lama gali karo, cid galin kartaana ma jirto”.

Wasiir Faratoon ayaa sidoo kale shacabka reer Somaliland meel kasta oo ay joogana ugu baaqay inay muujiyaan midnimo, isku duubni iyo wada jir, kana feejignadaan wax kasta oo khatar ku ah masiirkooda, waxaanu sidoo kale shacabka ku dhiirigeliyey inay qaatan kaadhka diiwaangelinta, si ay u helaan kaadhka ay ku codanayaan Doorashooyinka soo socda.

 

Geeska Afrika

Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland