Wasiir Seerbiyaan Ah Oo Ka Sheekeeyay Farmaajo Oo Kursiga Ka Booday; Qarax Dhacay Dartii
May 29, 2019 - Written by admin
Wasiirka arrimaha dibadda Seerbiya Ivica Dacic, ayaa toddobaadkii hore wuxuu socdaal ku tagay magaalada Muqdisho, waxaanu la kulmay Madaxweynaha Soomaaliya, laakiin intii uu kulanku socday ayaa waxa dhacay qarax weyn oo ka dhacay meel aan ka dheerayn madaxtooyada, waxaana naxdin darteed kursigiisa ka booday Madxweyne Farmaajo, halka aanu Wasiirka Seerbiya is dhaqaajin, waxaanu Wasiir Ivica ku yidhi Madaxweyne Farmaajo, “Anagu waanu u baranay qaraxyada oo diyaaradaha NATO ayaa cirka naga duqeyn jiray”, waxaanu Farmaajo kaga jawaabay hadalkaas Wasiirka “Ma ogtahay haddii halkan ay ilaa joogi lahaayen qaar ka tirsan dawladaha reer Galbeedku inay iyagu yaaci lahaayeen.”
Wasiirka Seerbiya, wuxuu sheegay inuu mar dambe ogaaday inuu qaraxaas ku geeriyooday mid ka mid ah wasiiradii Soomaaliya ee soo maray arrimaha dibadda Marxuum Xuseen Ceelaabe Faahiye.