Wasiirka Arrimaha Dibada Essa Kayd Mohamud Oo Kulamo La Yeeshay Saaxiibada Iyo Jaaliyada Reer Somaliland Canada

Ottawa(Hayaannews): Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Dr. Essa Kayd Mohamoud Raagsaale, iyo wefti heer sare ah oo u hoggaaminayo oo  safar shaqo ku tegay magaalada Ottawa ee dalka Canada ayaa kulamo kula yeesheen saaxiibada & jaaliyadda Somaliland dalka Canada.

Wasiir Kayd iyo Weftigiisa oo bishii u dambaysay safarro diblumaasiyadeed ku galaa-bixinayey dalalka Maraykanka iyo Ingiriiska, ayaa waxay sheegeen In u-jeeddada safarkooda Kanada qayb ka tahay dedaallada lagu iibinayo Qadiyadda Madax-banaanida Somaliland

Wasaaradda Arrimaha dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland, ayaa shaqadiisu tahay ka shaqaynta xidhiidhada diblumaasiyadeed ee Somaliland la leedahay dalalka Caalamku kor u kacday tan iyo markii uu Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu Magacaabay Wasiir Dr. Ciise Kayd Maxamuud.

Wasiir Kayd iyo Weftigiisa oo ay ka mid tahay La-taliyaha Madaxweynaha Somaliland ee Wada-hadallada Soomaaliya Marwo Edna Aadan Ismaaciil, ayaa waxay hore Magaalada Washington ugula kulmeen diblumaasiyiin Maraykan ah oo u ololeeya qadiyadda madax-banaanida Somaliland, sidoo kale-na waxay Magaalada New York kulan kulan yeesheen xubno ka mid ah Golaha ammaanka Qaramada Midoobay, ka dib markii ay marti-qaad ka heleen.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Mustafe_Janaale(#MJ)

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com