Wasiirka Arrimaha Dibada Iyo Iskaashiga Caalamiga Somaliland Oo La Kulmay Dhigiisa Jabuuti Iyo Qoddobada Ay Ka Wada Hadleen.

Weftiga ka socday dawlada Somaliland ayaa lagu soo dhaweeyey xarunta Miiska Sakaakiisha ee Wasaarada gaashaandhiga Jabuuti, iyo Nuxurka Qodobada Ay Ka Wada Hadleen.

Jabuuti(Hayaannews): Wefti uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibada Iyo Iskaashiga Caalamiga Somaliland Dr. Essa Kayd Mohamud ayaa si diiran loogu soo dhaweeyey Magaalada Jabuuti,kadib markii uu marti-qaad ka helay dhigiisa Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf.

Wasiirka arrimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga Dr. Essa Kayd Mohamuud ayaa waxa uu la kulmay Wasiirada arrimaha Dibada iyo Difaaca ee dawlada Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf iyo Xasan Cumar Maxamed.

Weftigan ayaa waxa Xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Wasaaradda arrimaha dibada Jabuuti Md. Maxamuud Cali Yuusuf, waxaanay labada dhinac ka wada hadleen xoojinta xidhiidhka amni, ganacsi iyo iskaashi  ee u dhaxeeya labada dawladood.

Kulankan labada dhinac oo saacado baddan qaatay ayaa saxaafaddu dibada ka ahayd.

Kadib, Wasiirka arrimaha Dibada Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf ayaa waxa uu hadhimo sharafeed ugu sameeyey Huteelka Kempinski ee Magaalada Jabuuti Weftigii ka socday dawlada Jabuuti.

Weftigan ka socday dawlada Somaliland ayaa waxa lagu soo dhaweeyey xarunta Miiska Sakaakiisha ee Wasaarada gaashaandhiga Jabuuti, waxaanay halkaasi kulan kula yeesheen Wasiirka Gaashaandhiga Jabuuti Xasan Cumar Maxamed oo ay wehelinayaan Saraakiil ka tirsan ciidamada Jabuuti. Waxaanay labada dhinac kulankaasi kaga wada hadleen iskaashiga amniga xuduudaha labada dawladood wadaagaan, isla markaana waxay isla afgarteen sidii loo labanlaabi lahaa iskaashiga labada dawladood ka dhaxeeya.

Waxaanay Weftigu halkaasi salaan Sharaf kaga qaateen cutubyo ka tirsan ciidamada qalabka sida ee Jabuuti.

Waxaana Weftiga ku wehelinayay  Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Md. Cabdiqani Maxamuud Caateeye Fariid, iyo Danjiraha Jabuuti u fadhiya Somaliland Xuseen Cumar Kawaaliye iyo Danjiraha Somaliland u fadhiya Jabuuti Cabdifataax Siciid Axmed.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com