Wasiirka Arrimaha Dibada Oo Shaaciyay Inay La Soo Wareegi Doonaan Maamulka Hawada Somaliland, kana Hadlay U-jeeddada Socdaalka Ay Ku Joogaan Taiwan.  

Hargeysa (Hayaannews)- Xukuumadda Somaliland ayaa daboolka ka qaadday inay ku hawlan tahay qorshe gudaha dalka lagaga hirgelinayo Xarunta maamulka Hawada Sare oo ay xustay inay la soo wareegi doonto dhawaan.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland Dr Ciise Kayd oo u warramay warbaahinta Somaliland Chronicle, ayaa sheegay inay Xukuumad ahaan dowladda Taiwan la kaashanayaan sidii ay Somaliland ula soo wareegi lahayd isla markaana gacanteeda ugu maamuli lahayd maamulka Hawada Sare oo xilligan maamulkeedu cid kale gacanta ugu jiro.

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo la weydiiyey su’aal nuxurkeedu ahaa faa’idooyinka ay Taiwan kaga duwan tahay dalalka kale ee taageerada dhinaca gargaarka u fidiya Somaliland maadaama oo aanay jirin wax muuqda oo xilligan laga dheehan karo xidhiidhka sannad-jirsaday ee u dhexeeya labada waddan marka laga reebo taageerooyinka dhinacyada waxbarashada iyo caafimaadka ee Taiwan u fidisay Somaliland, waxa uu wasiirku sheegay in xidhiidhka Taiwan wax badan oo muhiim ah kaga duwan yahay cilaaqaadka Somaliland la leedahay dalalka Caalamka isla markaana arrimaha ay Taiwan ka caawinayso Somaliland ka mid tahay sidii ay ula soo wareegi lahayd isla markaana iskeed u maamuli lahayd maamulka Hawada.

Wasiir Ciise Keyd oo xilligan ku sugan magaalada Addis Ababa ee caasimadda Ethiopia oo uu ka socdo shir-sannadeed ururka Midowga Africa, waxa uu ku jawaabay, “Waxa durba noo qabsoomay arrimo badan oo aanu wada-jir isaga kaashanay, laakiin mar walba waxaa jira fursado badan oo iskaashi. Waxaanu nahay waddan Dihin oo qani ku ah kheyraadka dabiiciga, waxaanu Taiwan ka codsanay dhinacyo badan ka gacan geysato sidii Somaliland uga midho-dhalin lahayd horumarkeeda ugana faa’idaysan lahayd kheyraadkeeda,” sidaas ayuu yidhi Dr Ciise Kayd.

“Waxyaabaha ugu muhiimsan ee aanu Taiwan uga baahannahay waxa ugu muhiimsan sidii Somaliland uga faa’idaysan lahayd Aqoonta taala dalkaas oo ay ka mid yihiin Cilmiga Internetka, bad-qabka cuntada iyo Ilaalinta Biyaha si looga gaashaaman karo abaaraha soo noq-noqda oo Isbeddelka Cimiladu sabab u tahay, Sahaminta Biyaha, Bangiyada Ganacsiga iyo soo-saarista Kheyraadka Dabiiciga ah, ” sidaas ayuu yidhi Wasiir Ciise Keydka oo intaas ku daray inay labada waddan si-wada-jir ah uga hirgelinayaan Somaliland Dhismaha Aagga Cashuuraha ka caaggan si badeecadaha iyo wax soo-saarka wershadaha Taiwan fursad ugu helaan suuqqa Bariga Afrika isla markaana ay ula tartami karaan Badeecadaha ay ganacsatada Shiinuhu u iib-keenaan Gobolka.

Wasiirka oo ka hadlayey waxtarka xidhiidhka Taiwan u leeyahay Somaliland, waxa uu intaas ku daray oo yidhi,“Waxaanu doonaynaain aanu si buuxda ula wareegno maamulka hawadayada oo ah mudnaantayada koowaad, waana kaalin ay Taiwan wax badan ka tari karto Somaliland. Waxaan aaminsanahay in aanu wax badan ka baran karno aqoonta baaxadda leh ee Taiwan u leedahay arrimahan xasaasiga ah.”

Maamulka Hawada dalweynihii laysku odhan jiray Jamhuuriyaddii Soomaaliya oo ay hore u maamuli jirtay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan duulimaadyada ee ICOAS, waxa xilligan maamulkiisa gacanta ku haysa xukuumadda Soomaaliya ee fadhigeedu yahay magaalada Muqdisho.

Somalilandpost.net

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com