Nuxurka Kulankii Dhexmaray Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Mevlüt Çavuşoğlu iyo Hal-abuurkii Diyaaradaha Macmalka Sameeyay.
September 28, 2020 - Written by admin
Guuleed
Cabdi: Wiilkii Sameeyay Diyaaradda Macmalka Ah Oo Lagu Casuumay Bandhig Caalamiya
Hargeysa(Hayaannews)
Wasaaradda Arrimaha Dibadda
Turkiga ayaa wiil 17 jir Soomaali ah ku casuuntay inuu ka qeyb galo Teknofest,
oo ah bandhigga ugu weyn dalkaas ee teknolojiyadda.
Guuleed
Cabdi ayaa sameeya gawaadhi iyo diyaarado macmal ah, isagoo aan heysan qalab
badan oo arrintaasi ka caawinaya.
Wasiirka
Arrimaha Dibadda Turkiga Mevlut Cavusoglu ayaa Guuleed ka arkay internetka,
wuxuuna kaddib ku casuumay bandhiggaas. Wuxuu sidoo kale Guuleed Turkiga ka
helay fursad waxbarasho.
Guuleed
oo ka soo jeeda degmada Buuhoodle ayaa sheegay inuusan weligiis hore u helin
fursaddan oo kale. “Waxaan doonayaa inaan aasaaso shirkad diyaaradaha ah oo
mustaqbalka soo saarta diyaarado,” ayuu yidhi.
Bandhiggan oo ka bilowday gobolka Gaziantep ee dalka Turkiga ayaa shalay la soo gabagabeeyay.