Wasiirka Beeraha Somaliland oo Sheegay in Saadaasha Roobabku Muujinayso inaanu Dhibaato Lahayn

Hargaysa(Hayaannews)::- Wasiirka Beeraha Somaliland ayaa sheegay Roobabka la saadaaliyay inay dalka meelo kamid ka da’I doonaan aanay lahayn wax dhibaato ah isagoo sheegay in aanay wax khasaare ah gaysanayn.

Wasiir Axmed Muunin Seed waxa uu sheegay in Wasaaradda Beeraha waaxdeeda saadaashu Hawadu ay u xil saaran tahay inay bulshada la wadaagto xaaladda saadaasha Hawada, Wasiirka ayaa sheegay in Somaliland aanay wax saameyn ah ku yeelanayn dabeysha lagu sheegay inay ka imanayso badda Hindiya.

Wasiirka ayaa sheegay in Badhan, Ceerigaabo iyo Ceel-afweyn ay ka da’een roobab aan wax dhibaato ah gaysan oo caadi ah. Isagoo intaa ku daray saadaasha inay ka heleen xogta Roobabka la filayo inay ka da’aan Gobolada Saaxil iyo Selel in aanay wax dhibaato ah lahayn.

Axmed Muunin Seed wasiirka horumarinta Beeraha Somaliland ayaa shacabka ugu baaqay in gayiga Somaliland aanay jirin wax Roobab ah oo duufaan wata oo ka di’i doona.