Wasiirka Maalgashiga Somaliland Oo Fursadaha Maalgashiga iyo Warshada Dalka U Sharxay Wefdi ka Socda Taiwan

Hargeysa (Hayaannews)- Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha Marwo Aamina Cilmi Farid,Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Maxamed Cismaan Saciid (Maxamed-Somali) iyo xubno ka mid ah masuuliyiinta Wasaaradda ayaa Qaabilay Waftigii ugu balaadhnaa ee Ka Socday Dalka Taiwan oo uu hogaaminayay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Dhaqaalaha Mr. Eugene iyo Safiirka Somaliland u fadhiya Wadanka Taiwan Mr.Allen.

Waftiga Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhaqaalaha dalka Taiwan waxa wehelinayay Madaxa Xafiiska Xidhiidhka Taipei ee Jamhuuriyadda Koonfur Afrika, Mr. Ching-Jung Lo, Madaxa Shirkadda Shidaalka ee Taiwan,Mr. Hung-Jen Lin iyo masuuliyiinta dhinaca Macdanta iyo Khayraadka ee dalka Taiwan ayaa la sheegay in ujeedadoodu ahayd sidii labada wadan iskaashi uuga yeelan lahaayeen dhinacyada Warshadaha iyo Maalgashiga,gaar ahaan dhinacyada Macdanta, Tamarta, Beeraha, Kaluumaysiga, Tiknoolajiyadda, iyo sidii loo balaadhin lahaa iskaashiga labada dhinac u dhexeeya.

Kulankan ayay madaxda Wasaaradda Maalagshigu ku soo bandhigeen Warbixino kooban oo ku saabsan Maalgashiga dalka iyo ilaha dhaqaalaha dalka.

Wefdiga dalka Taiwan oo kulanka ka hadlay ayaa ka mahadceliyey sida loogu soo dhoweeyey dalka iyo sida ay diyaarka ugu yihiin sidii ay qeyb uuga noqon lahaayeen horumarka Somaliland ee dhinacyada Maalgashiga iyo kheyraadka kale ee dalku leeyahay.

Wasiirka Maalgashiga Marwo Aamina Climi Fariid oo kulanka ka hadlashay ayaa uuga warbixisay fursadaha maalgashiga ee dalka Somaliland leeyahay, sida dawlad ahaan ay diyaar ugu yihiin inay soo dhoweeyaan cid kasta oo diyaar u ah

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

#Musafe-Janaale

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com