Wasiirka
Horumarinta Maaliyadda Somaliland Dr Sacad oo ka hadlay sida ay xukuumaddu ugu
diyaarsan tahay in ay dadkeeda u adeegto oo ay u noqoto adeegeyaal bulshada u
diran oo shaqaale u ah iyo in ay eegto duruufaka kala duwan ee cashuur
bixiyeyaasha, ayaa yidhi. “Fikirka aynu imika kuwada shaqeynaa waa mid
tilmaamaya iska hor imaad, imika waxaynu nahay cashuur qaade, cashuur bixiye,
waxaynu nahay sharci fuliye sharci lagu fuliye, shicib iyo dawlad, waxaa aanay
tilmaamayaan cilaaqaad aanay saaxiibtinimo ka muuqan, kaa markaasi waa aynu ka
guureynaa waxaynu u guureynaa adeege iyo loo adeege annagu (Xukuumadda) waxaa
aanu nahay adeegayaashii idinka ayaanu idiin khidmeynaynaa xaqbaad leedihiin,
iyo waajibaad, hadii aad xaqiina weydaan waxaa aanu idiin soo bandhigeynaa
goobtii aad u mari laheydeen, annaga waajibka na saarani waxaa weeye in aanu si
wanaagsan oo hufan idiinku adeegno waa in aydaan noo arkin dad doonaya in aanu
jeebkiina uun gacanta gelino, marka nuxurkeena maantu waxaa weeye qadarinta iyo
qiimeynta cashuur bixiyaha”
Wasiirka Ganacsiga isna dhankiisa ballan qaaday in xukuumaddu ay diyaar u tahay in ay gacan siiso ganacsatada oo ay waxkasta oo ay la qaban karto ay la qabato, waxaanu yidhi. “Dawlada masuuliyadbaa saaran ninka ganacsatada ah inay duruufihiisa la socoto wixii ay la qaban kareysana ay la qabato, ayaan diyaar u nahay.” ayuu yidhi wasiirka wasaaradda ganacsiga Maxamed Xasan Sacad Saajin