Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Oo Furay Tababbar Ku Saabsan Aagga Cashuuraha Ka Caagan.

Hargeysa (Hayaannews)- Wasaaradda horumarinta maaliyadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa qabatay tababbar ku saabsan xeerka ka ganacsiga aaga cashuuraha ka caagan.

Xildhibaan Maxamuud Axmed Obsiiye oo ka tirsan guddida dhaqaalaha ee golaha wakiillada Somaliland ayaa sheegay in xeerkaasi yahay mid qaranka waxtar u leh, isla markaana hore uga soo gudbay golaha wakiilladda, loona baahan yahay sidii loo hirgelin lahaa.

Guddoomiyaha guddida aaga ka caagan cashuuraha ee wasaaradda maaliyadda Maxamed Muuse, oo halkaas ka hadlay ayaa sheegay in xeerkaasi yahay mid kaalin ka qaadan kara abuuritaanka xidhiidh ganacsi oo caalami ah, kaas oo kor u qaadaya helitaanka fursadaha shaqo ee ka soo bixi kara aagagaas cashuuraha ka caagan.

Ugu dambayn wasiirka wasaaradda horumarinta maaliyadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, oo kulan hawleedkaas si rasmi ah u furay ayaa xubnaha kulan hawleedkaas ka qayb-qaadnaya u soo jeediyay inay ka faa’iidaystaan arrimaha kulankaas lagu falan-qayn doono.

Wasiir Sacad waxa kale oo intaas ku daray in xeerkaasi kor u qaadi doono xidhiidhka ganacsi ee Somaliland la leedahay wadamada caalamka, madaama oo ganacsiga aagaas cashuuraha ka caagani aanay jirin wax cashuur ah oo laga qaadaa.