Wasiirka
ayaa sidoo kale sheegay in Wareegto ka soo baxday Xafiiska madaxweyne Maxamed
Cabdullaahi Farmaajo loogu magacaabay Axmed Ciise Cawad inuu noqdo safiir,
balse lama sheegin dalka.
Xil ka qaadista Cawad ayaa timid 24 saac kadib markii wasaaradda arrimaha dibedda ay boggeeda twitter ka saartay qoraal looga hadlayey xaaladda dagaalka Ethiopia, qoraalkaas oo Cawad uu sheegay inuu ahaa mid aan sax ahayn.
Lama oga waxa sababay xil ka qaadista Wasiir Axmed Ciise Cawed,
balse xil ka qaadistiisa ayaa ku soo beegantay, ka dib markii uu Wasiir
Cawed uu Twitter-kiisa ku beeniyey War
Shalay lagu baahiyey Twittwr-ka Wasaaradda arrimaha dibedda Dawladda
Soomaaliya, kaasi oo lagu sheegay in Dawladd Soomaaliya ka walaacsan tahay
xaaladda ka taagan dalka Itoobiya isla-markaana taageersan tahay Midnimada
Itoobiya – kuna baaqayso in Xaaladda taagan lagu dhameeyo Wada-hadal.