Wasiirro la Kulmay Qoyska Askari lagu Dilay Laascaanood
May 20, 2019 - Written by admin
Guddoomiyaha Gobolka Sool iyo Taliyeyaasha Qaybta Booliska ee Gobolkaasi iyo Taliyaha aaga bari ee Ciidanka qaranka oo ugu horayn halkaasi ka hadlay ayaa u Tacsiyadeeyay ehelada askarigaas geeriyooday iyagoo sheegay in askarigaasi uu gudanayay waajibaadka qaran ee saarnaa kadib markii gacan ka xaq darani ay ku dishay Magaaladda Laascaanood 17-kii Bishan May.
Dhanka Kale Wasiirka Wasaaradda Biyaha Mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore iyo Wasiirka Wasaaradda Beeraha Mudane Axmed Muumin Seed ayaa sheegay in iyagoo ku hadlaya afka xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ay Tacsi tiiraanyo leh u dirayaan ehelada iyo Ciidanka Booliska ee uu ka baxay alle ha u naxariistee askarigaasi Wasiiradu waxay intaas ku dareen in Sharciga la hor keeni doono Cidii falkaasi fulisay.