“Waxa ay Kordhin Doontaa Suurta-galnimada in Dalal Kale ku Biiraan UAE” Yuusuf C. GABOOBE

Hargeysa (Hayaannews)- Falanqeeye Yuusuf Cabdi Gaboobe ayaa Warsidaha Al-Monitor u sheegay in magacaabida Safiirka Imaaradka ee Jamhuuriyadda Somaliland, Danjire Abdullah Muhammad al-Naqbi ayaa albaab u furayso in dalal kale ay wakiillo usoo magacabaan Jamhuuriyadda nabdoon ee Somaliland.

“Waxa ay kordhin doontaa suurtagalnimada in dalal kale ay ku biiraan UAE iyo sideedda kale ee horay ugu haystay xafiisyo u dhigma safaaraddaha Hargeysa. Marka laga soo tago horumarinta mashaariicda sida Dekedda Berbera, marinka Berbera iyo xarumaha caafimaadka, magacaabista Naqbi waxa ay gacan ka geysan karta ballaadhinta iskaashiga Imaaraadka iyo Somaliland ee ku aaddan sugidda marinnada badda ee Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed ee la dagalaanka argagixisada iyo budhcad-badeedda” ayuu yidhi Yuusuf Gaboobe

Dawladda tagta daran ee waqtigeedu dhammaaday ee Soomaaliya ayaa si weyn uga cadhootay in dawladda Imaaraadku ay Wakiil usoo magacaabato Jamhuuriyadda Somaliland sidii cadaada u ahayd ee ay horeba uga cadhootay xidhiidhka ay Somaliland la samaysay waddamada Kenya, Taiwan iyo guinea Conakry oo dhammaan ay xidhiidhka u jartay.

Naqbi ayaa qayb ka ah guulo diblomaasiyadeed oo isdaba joog ah oo uu gaadhay Madaxweyne Biixi, oo ka bilaabmay markii ay Taiwan samaysay xidhiidh laba geesood ah oo ay la yeelatay Jamhuuriyadda Somaliland bishii Sebtember 2020.

Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

Email: Hayaannewssoma@gmail.com