Waxa La Filayaa Inay Hargeysa Kaga Dhawaaqaan Qaadhaanka Ay Doorashada U Qoondeeyeen Oo Muhiim U Ah Qabsoomiddeeda

Hargeysa (Hayaannews) – Beesha Caalamka ee Taageera Nidaamka dimuqraadiyadeed iyo doorashooyinka Somaliland ayaa Wefti u soo diraya Hargeysa.

Warar uu Wargeyska Geeska Afrika helay ayaa xaqiijiyey in Wefti culus oo ay hoggaaminayaan Safiirro ay Magaalada Hargeysa u imanayaan bilowga diwaangelinta Cod-bixiyeyaasha ee Magaalada Hargeysa, taasi oo la filayo inay bilaabanto badhtamaha Bishan December, 2020.

Weftiga oo la filayo inay kulamo la yeeshaan Madaxweyne Biixi, Madaxda Xisbiyada iyo Guddiga doorashooyinka Qaranka ayaa la filayaa inay Magaalada kaga dhawaaqaan qaadhaanka doorashooyinka isku sidkan ee Wakiillada iyo deegaanka ee la filayo inay sannadkan 2021-ka ka qabsoomaan Somaliland.

Imaanshaha Weftiga ayaa la filayaa inuu tallaabo muhiim u ah noqdo Diyaar-garowga iyo abaabulka doorashooyinka soo foolka leh.

Dalalka Beesha Caalamka ayaa Somaliland ka taageera Doorashooyinka, waxayna dhiirigeliyaan qabashooda.

Geeska Afrika

Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland