“Waxa Laysku Haystaa Aan Kula Casheeyno Iyo Keligay-baa Casheeynaya” Sheeko Qosol Baddan #Jamaal_Cali_Xuseen

Hargeysa(Hayaannews):Beri ayuu nin reer Jabuuti ahi oo dadkan hadalka yar ee aan inta badan hadlin laakiin kolkuu hadlo yidhaahda kelmado micno iyo xikmadba leh laga qoray kalmad muhiim ah.

Isagoo TVyada  Soomaalidda daawanaya oo magaalooyin kala duwan laga soo waramayo ayaa wuxuu arkay buuq faro badan, qaylo badan, dagaal badan iyo dadka oo caadifayadooddii cirka ay isku shareertay.

Mid kale oo isna yaaban oo isna reer Jabuutiya oo la daawanayey TVga ayaa isagoo yaaban waxan TVgii ka socda iyo dadkan uu ka baqay inay kaba soo dhex baxaan TVga ayuu weydiiyey Oo  yidhi; ” huuno maxaa dhacay oo laysku haystaa”.

Ninkii kalena ismuu lurine Wuxuu yidhi; ” huuno wax wayniba Ma jiree waxa laysku haystaa aan kula casheeyno iyo keligay baa casheeynaya, iyo waraa yaakhii dadku ha wada Casheeyo!!!”

Aqoonyahan #Jamaal_Cali_Xuseen

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewssoma@gmail.com