“Waxa Tebi Doona (Ereg) Bahda Caafimaadka Ee Uu Shamaca Ifaya U Ahaa…..”

Maxaad Ka Taqaana Taariikh Nololeedka Hormuudka Kulliyada Caafimaadka Ee Jaamacada Hargeisa

Hargeysa(#Hayaannews); Alle ha u naxariiste Dr. Diiriye Ismaaciil Ereg oo ahaa hormuudkii kulliyadda Caafimaadka ee Jaamacada Hargeysa ayaa xalay waaberigii ku geeriyooday Magaalada Hargeysa.

Marxuum Diireye Ereg ayaa waxa uu wax baddan u soo qabtay qarankan iyo dhismaha umaddan, isaga oo soo saaray arday baddan oo maanta xilal qaranka haysa.

Hadaba Shabakada Wararka ee Hayaannews waxay macaamiisheeda u soo bandhigaysa taariikh nololeedkii Alle ha u naxariiste Macalin Diiriye Ereg, waxaanu u dhignaa sidan:

Waxa uu ku dhashay Hargeysa 1952. Dugsiyada Biyodhacay iyo Sheekh Cali Ibraahin ayuu ku qaatay waxbarashadii dugsigii hoose. Dugsiga dhexe iyo kii sare waxa uu ku qaatay dugsiga Sheekh ee boodhinka ah, 1967 – 1971.

Sannadkii 1971 waxa uu la shaqeeyay Dawladdii Kacaanka. Shan bilood ka dib waxa loo diray Dalka Jamalka. Waxa uu soo diyaariyay 9 bilood oo tababar dhanka isboortiga ah.

1972 – 1979 waxa uu dhammeeyay Kulliyadda Caafimaadka ee Jaamacaddii Ummadda.

Laba sano ayaa uu Qarankii Soomaaliyeed u shaqeeyay.

1981 – 1985 waxa uu Jaamacadda Hacettepe University ee Dalka Turiga ka diyaariyay takhasuska Suuxdinta.

Waxa uu yidhi markii aan soo dhammeeyay Soomaaliya ma ahayn mid lagu soo laaban karo. Waxa uu ka shaqo galay Dalka Yemen. Saddex sano ka dib waxa uu u wareegan Sucuudiga.

Markii Taliskii Siyaad Barre huleelay ayuu dalka ku soo laabtay, 1992. Waxa uu yidhi marxuumku hilaw aan u qabay dalka xoroobidiisii ayaan wax kasta oo aan faraha ku hayay ba ka soo dhaqaajiyay. Waxa uu ka shaqo bilaabay Cusbitaalka Guud ee Hargeysa.

2004 – 2021 waxa uu ahaa madaxa Kulliyadda Caafimaadka ee Jaamacadda Hargeysa. Waxa uu soo saaray 272 dhakhtar oo ku kala baahsan dhammaan daafaha dunida iyo Geeska Afrika. Intaas waxa dheer dhakhaatiirta baratay cilmiga indhaha, Kalkaalisooyin iyo umulisooyin oo aanan tiradooda haynin. Iyo ardayda hadda ku jirta Kulliyadda ee uu gacanta ku hayay oo boqolaal ah.

Ugu horrayn, samir iyo iimaan Alle ha ka siiyo ubadkii uu ka tagay iyo qoyskiisa. #Hayaannews.

Waxa uu ahaa qof qiyamkiisa aan ka baydhin, sharcigana aan ka leexan. Ma duudsiyi jirin qof jilicsan oo gar leh, umana jilcin qof xeerka iska sarraysiiya oo darajo sheeganaya. Waligii Qabyaalad laguma xaman. Iska illaw  in uu qabyaalad ku dhaqmay, laguma xaman ayaan ayaan ku idhi. Waxa uu ahaa masuul hadallo cadcad. Dadka qabyaalladda iyo eexda ku nooli qof aanay kula soo baydhin dhareerka qadhmuun ayaa uu ahaa. Waxa uu ardayda Kulliyadda Caafimaadka ee Jaamacadda Hargeysa u ahaa aabbo. Inta ka aflaxday lama heleen haddii aanuu joogin lahayn. Waa xaqiiq.

Waxa uu marar badan nooga warramay inta jeer ee masuul dawladeed ama nin hanti leh ula yimid ilmihiisa, si uu xirfadda Caafimaadka u barto. Anigu, Ibraahin ahaa, dhacdo aan u taagnaa aan idiinka dhaco:

2020 dhammaadkiisii ayaa goor duhur ku dhawaad ah oo Dr. Diiriye xiisan uu noo jiray dhammeeyay. Waa uu baxay oo xafiiskiisa ayaa uu qabtay. Muraad ayaan u lahaa oo xafiiskiisa ayaa kaga daba tagay. Waxa aan ugu tagay xafiiskii nin ka mid ah masuuliyiintii Dawladdii Siilaanyo oo uu la jooga digtoorkii. Waa labadooda uu kali ah. Kadinka marka aan marayo ayaan maqlay Dr. Diiriye oo hadal cadho ka muuqato ku leh, “NO! NO! Adeer, hebeloow (ninka magiciisa ayuu ugu yeedhayaa) suurto gal ma aha arrintaasi.”

Kadinkii xafiiska ayaan ku hakaday. Arrinta inaan dhugto oo fahmo ayaan isku dayay. Waxa uu rabay ninku in ilme uu watay loo qoro Kulliyadda. Dood badan ayaa dhex martay. In uu digtoorka qanciyo ayaa uu aad iskugu dayay. Mar kasta diidmo qayaxan ayaa uu kala hor imanayaayay marxuumku. Ugu dambayn, isaga oo aan waxba laga ogolaan ayaa uu ka soo baxay xafiiska ninkii odayga ahaa.

Dr. Diiriye waxa uu innaga tagay isaga oo waajibkii saarnaa gutay. Waxa uu ku dhintay dal jacayl iyo waddaniyad. Waxa uu dhintay isaga oo aaminsan fikirka ah; in waxbarashadu wax tahay furaha guusha. Waxa uu innaga tagay isaga oo aadamuhu ka eed la’yay. Waxa uu Eebbe u tagay isaga oo fudud oo masuuliyaddii uu hayay sida ay ahayd u gutay. Waxa xujaysan qof kasta oo uu mihnadda caafimaadka baray oo xilkaa sidii daacadda iyo xilkasnimada ahayd ee uu inagaga tagay u baal marta.

Waxa tabi doona dhammaan bahda caafimaadka ee uu shamaca ifaya u ahaa. Waxa tabi doona bulshadii danyarta ahayd ee uu dhakhaataarta u soo saari jiray. Waxa tabi doona ubadkii ka dhashay qoysaska saboolka ah ee fursadda u heli jiray in ay qalinka kula tartarmaan ubadka ay dhaleen kuwa hantida leh. Waxa tabi doona qof kasta oo uu u hiilin jiray.

Si gaar ah waxa u tabi doona qoyskiisa, ciddii ay shaqo wadaagta ahaayeen iyo ardayda uu hadda gacanta ku hayay. Godka ku xasil oo marti la soo dhaweeyo Alle ha kaa yeelo. Nabadgalyo, adeero!

Isha ku hay shabakadda Wararka ee #www.Hayaannews.net  goor kasta iyo goob Kasta oo aad Joogto ee ha moogaan.

Qore : Ibraahim Cabdiraxmaan.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland