“Waxa Xaniban Oo Ay Soomaaliya Haysataa 60 Milyan Oo Dolar Oo Baanka Adduunku u Qoondeeyey Somaliland” Madaxweyne Biixi.

Hargeysa (Hayaannews)- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa khudbad dhinacyo kala duwan ka hadlaysa ka jeedisay Xuska maalinta Xornimada Somaliland ee 26-ka June oo caawa ku qabsoomay Xarunta madaxtooyada ee magaalada Hargeysa.

Munaasibadda caawa loo qabtay xuska 61-guurada maalinta Xoriyadda Somaliland ee ka hadlay madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, waxa ka qayb-galay Madaxweyne kuxigeenka Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), Guddoomiyeyaasha Golayaasha Guurtidda iyo Wakiillada, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Masuuliyiin sare oo ka socday saddexda xisbi qaran, danjireyaasha dalalka Shisheeye ee fadhigoodu yahay Hargeysa, iyo marti sharaf kale.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi oo khudbad ka jeediyey munaasibadaasi ayaa si qoto-dheer uga warramay marxaladihii ay Somaliland u soo martay xornimo doonkii ay ku guulaysatay 26kii June 1960kii, waxaanu tilmaamay inay noqotay halkii laga dhidbay calankii ugu horreeyey ee Soomaalidu yeelato.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu ugu horeyn ku hambalyeeyey shacbiga Somaliland gudo iyo dibadba Munaasibada 61 Guurada markii ay JSL Gobonimadeeda ka qaadatay Boqortooyada Ingiriiska.

Madaxweynaha Somaliland wuxuu sheegay in dalkiisu uu ku naaloonayo nabad, horumar iyo qaranimo taabogal ah 30 kii sannadood oo uu madax-bannaanidiisa kala soo noqday dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya, waxaanu sharraxay hadimooyinka Dawladda Muqdisho u soohaysay Somaliland muddo rubuc qarni ah.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu si xeel dheer u Sharaxay kala duwanaanshaha Somaliland iyo Somalia isagoo Sheegay in Somaliland ku dhisan tahay Sharciga Caalamiga ah.

Madaxweyne Muuse Biixi waxa uu sheegay in Somaliland Mudadii ay Madaxbannaanideeda la soo noqotay ay qabatay 7 Doorasho oo Xor iyo Xalaal ah isla markaana ay Sadex madaxweyne hab dimuquraadi ah isku bedeleen halka Sidoo kalena ay Laba gole Wakiilo iyo deegaan doorasho qof iyo codkii ah ay isku bedeleen.

DAAWO KHUDBADII MADAXWEYNAHA

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewssoma@gmail.com