“Waxaan Ahay Murashax U Taagan Doorashada Golaha Wakiillada Ee Caasimada Hargeysa….” Bashiir Maxamed Saalax YACNIILE.  

Hargeysa(Hayaannews):  Bashiir Maxamed Saalax (YACNIILE) waa aqoonyan reer Somaliland ah,ayaa markii ugu horeysay shaaciyey inuu yahay Murashax u tartami doona Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland ee la filayo inay dalka ka qabsoonto badhtamaha sannadka 2021.

Bashiir Maxamed Saalax ayaa waxa uu sheegay inuu la tashi badan, kadib uu qaatay inuu isu soo sharxo doorashada Golaha Wakiilada ee Caasimada Hargeysa.

Haddaba, Qoraal kooban oo uu Bashiir Maxamed Saalax soo saaray maanta ayaa waxa uu kaga hadlay shaacinta Murashaxnimadiisa, Tallooyinkii uu la yeeshay Waxgaradka iyo Aqoon-yahanka beesha iyo arrimmo door ah,kaas oo nuqul ka mid ah ay heshay Shabakada Wararka ee Hayaannews, waxaanu u dhignaa sidan “Maanta oo taariikhdu tahay 3-ta bisha January 2021-ka waxaan shaacinayaa inaan ahay Murashax u tartami doona Doorashada Golaha Wakiillada Somaliland ee fooda innagu soo haysa haddii Alle idmo. Arrinta ku saabsan Murrashaxnimadayda waxay ka dhalatay wada-tashi aan la sameeyey Dad kala duwan oo aanu isku beel ka soo jeedno iyo asaxaabtayda, kuwaasoo igu dhiiri-geliyey in maanta fursaddaasi ii banaan tahay.”

“Marka ugu horaysa waa waajib in qofku wax doorto lana doorto, waxaanay ka mid yihiin Xuquuqaha aas-aasiga ah ee muwaadiniinta reer Somaliland ka siman yihiin Dastuuriyan. Annigoo qodobkaas ka duulaya, waxaan halkan ka caddaynayaa in aan u taaganahay ka mid noqoshadda Murashaxiinta doorashadda Golaha Wakiilad ee Caasimada Hargeysa ee soo socota haddii ILAAHAY Idmo.”Ayuu yidhi

“Waxaan Ogaysiinayaa amaba aan ku War-gelinayaa Taageerayaashayda iyo Asxaabtayda gaarka ahba, inaan ahay Murashax u taagan doorashada Golaha Wakiilada Caasimada Hargeysa 2021-ka,waxaan ahay ninkii ugu horeeyay ee Waxgaradka ku war-geliyay damaciisa siyaasiga ah, waanay igu taageereen dhammaantood, waxaana u muuqatay in baahi loo qabo Xildhibaan danta qaranka iyo tan deegaankaba ka shaqeeya.”Ayuu yidhi Murasharax Bashiir  Maxamed Saalax.

Murashax Bashiir Maxamed Saalax Yacniile waa indheer-garad iyo waayo-arag dhaqan-yaqaana oo ILAAHAY siiyay haybad iyo karaamo oo aad loo wada qadariyo oo lagu majeerto, waa nin dad isku wad leh oo ku sifoobay cadaalad, Deeqsinimo iyo garasho xeel-dheer.

Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

Email: Hayaannewssoma@gmail.com