“Waxaan Ahay Murashax U Taagan Doorashada Golaha Wakiillada Ee Degmada Xarshin ….” Aqoonyahan Maxamed Abdi Sabaal

Jigjiga(#Hayaannews): Aqoonyahan Maxamed Cabdi Sabaal, ayaa caawa shaaciyay inuu u taagan yahay doorashada Golaha Wakiilada ee Deegaanka Degmada XARSHIN Gobolka Fanaan..

Aqoonyahan Maxamed Abdi (#Mo_Sabaal) ayaa waxa uu sheegay inuu la tashi baddan, kadib uu qaatay inuu isu soo sharxo doorashada Golaha Wakiilada ee degmada dawlad deegaanka Somaalida Ethiopia.

“Caawa oo ay taariikhdu tahay 10-ta bisha  February   2020-ka waxaan shaacinayaa inaan ahay Murashax u tartami doona Doorashada Golaha Wakiillada ee degmada Xarshin fooda innagu soo haysa haddii Alle idmo. Arrinta ku saabsan Murrashaxnimadayda waxay ka dhalatay wada-tashi aan la sameeyey Dad kala duwan oo aanu isku beel ka soo jeedno iyo asaxaabtayda, kuwaasoo igu dhiiri-geliyey in maanta fursaddaasi ii banaan tahay.”.Ayuu  ku yidhi Aqoonyahan Maxamed Cabdi Sabaal.

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi“Muwaadin waxaad doorataa cida aad is-leedahay wax ayuu u qabanayaa dalkan iyo dadkan tabaaleysan, ee ha u dooranin qabyaalad iyo hayb midna…..”

Maxamed Cabdi Sabaal waxa uu ballanqaaday oo uu yidhi “Waxaan ballan-qaadaya inaan dhawaan bulsho-weynta reer dawlad deegaanka Somalida Ethiopia u soo bandhigi doono barnaamijkayga Siyaasadeed iyo waxyaabaha aan doonayo inaan bulshadayda u qabto haddii ILAAHAY igu guuleeyo Xilkaa Xildhibaano ee aan u tartamayo….”.

“Waxaan Ogaysiinayaa amaba aan ku War-gelinayaa Taageerayaashayda iyo Asxaabtayda gaarka ahba, inaan ahay Murashax u taagan doorashada Golaha Wakiilada ee degmada Xarshin.”Ayuu yidhi Mohamed Abdi Sabaal.

#Hayaannews, Office

Jigjiga, Ethiopia