“Waxaan Aqbalay Go’aamo Aan La Aqbali Karayn” Gudoomiye Cabdiraxmaan-Ciro

“Doorashooyinka waxa looga jeedaa in awooda lagu soo celiyo gacanta shacbiga”

Hargeysa (Hayaannews)- Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI ahna Musharrax Madaxweyne Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa faagaaraha beerta Xorriyadda ee Magaalada Hargeysa kaga qayb galay ololaha doorashada isku sidkan ee Wakiillada iyo Deegaanka ee Xisbiga WADDANI, Khudbad dhinacyo kala duwan oo Gudoomiye Cabdiraxmaan u jeediyey taageerayaasha ayuu u sheegay in baaxada iyo xamaasada taageerayaashu muujinayso rabitaanka ay u hayaan xisbiga rajada shacabka Somaliland ee Waddani.

Gudoomiye Cabdiraxmaan ayaa sheegay in xisbiga Waddani uu isagoo gudoomiyaha ah tacab badan geliyeen sidii doorashooyinku inoogu qabsoomi lahaayeen, isla markaana madaxda iyo hoggaanka xisbiga Waddani ay u dulqaateen waxyaalo badan oo aan loo dulqaateen.

“Waxaanu muujinay Samir iyo dulqaad, si doorashooyinku inoogu qabsoomaan. Doorashada darteed waxaan u aqbalay go’aamo aan la aqbali karayn. Waxaan u mahadnaqayaa dhamaan daneeyaasha doorashada, ugu horeeyaan Xisbiyada Qaranka, komiishanka doorashooyinka iyo beesha caalamka,” ayuu yidhi Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro

Gudoomiyaha Xisbiga WADDANI ayaa sheegay in la soo gaadhnay wakhtigii doorashooyinka wakiilada iyo deegaanku inoo qabsoomi lahaayeen 31-ka May, isla markaana aan aqbali karin wax kastoo carqaladeynaya, isaga oo si adag u cambaareeyey falkii fulaysnimada ahaa ee lagu rasaaseeyey xafiisyada xisbiyada mucaaradka ee Waddani iyo Ucid, kuna tilmaamay wax aan la aqbali karo.

“Maanta shacbiga Somaliland waxa uu haystaa fursad weyn, doorashooyinka waxa looga jeedaa in awooda lagu soo celiyo gacanta shacbiga, oo siyaasigii shalay uu doortay een waxba qaban, codkooda ku bedelaan Madaxweyne, Baarlaam ama deegaan ha ahaadee” ayuu raaciyey Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro.

Gudoomiye Cabdiraxmaan ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay in xisbiga kulmiye yidhaahdo mar saddexaad i doorta waxaanu yidhi “Kaftanka reeraha waxaan u deynayaa Muuse iyo Faysal, laakiin kaftan kale ayaan raacinayaa!, “kulmiye wuxuu inna leeyahay, waad ogtihiin in aanan waxba qaban, Waxaad ogtihiin in caasimada Hargeysa xashiish ka buuxo. Waxaad ogtihiin in wadooyinku jajaban yihiin, maantana uu leeyahay, haddana way kan mar saddexaad ee i doorta! Taageerayaashow maxaad tidhaahdeen “Yeeli mayno..Yeeli mayno..yeeli mayno.

Gudoomiye Cirro ayaa sheegay in barnaamijka xisbiga waddani ku dhisan yahay Somaliland cadaaladd ku dhisan, la wada leeyahay, mideysan, horumarsan, ictiraaf hesha.

Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Md Cabdiraxmaan MCabdillahi Cirro ayaa markuu dhameeyey khudbadiisi taageerayaasha ee agaaraha beerta xorriyadda Hargeysa waxuu socdaal ugu baxay gobolka Gebilay.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewssoma@gmail.com